Xiddiga Ay Arsenal Qasnaddeeda U Jabinayso Bisha Janaury Oo La Ogaaday

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa iska xoojin doonta khadka dhexe marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, waxaana uu tababare Mikel Arteta calaamadsaday xiddig ay raadinayaan kooxo badan oo reer Yurub ah oo Gunners ay wax walba u samayn doonto sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd bisha January.

Arsenal oo ka liigaysa khadka dhexe ee ay dhaawacyadu ka ragaadiyeen Thomas Partey, Mohamed Elneny iyo Smith Rowe, ayaa waxa uu Mikel Arteta doonayaa ciyaartoy tayadiisu sarrayso oo la qabsaday ciyaaraha Premier League oo ka garab dheela Declan Rice, taas oo xorriyad siin doonta Martin Odegaard in uu caawiyo saddexda weerar.

Xiddiga ay Arsenal calaamadsatay ayaa lagu sheegay khadka dhexe ee kooxda Fulham ee Joao Palhinha oo ay hore u doonaysay Bayern Munich oo xagaagii ay kooxda reer London uga dhaaratay.

Wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyey, in Arsenal ay doonayso Palhinha, waxaanu yidhi: “Waxa aan xaqiijin karayaa arrinta Palhinha. Maalmihii ugu dambeeyey waxa baraha bulshada ku jiray hadal-haynta kooxo Ingiriis ah oo xiisaynaya Palhinha.

“Waxa kooxahaas ku jirta Arsenal, waana run in Arsenal ay qiimaynayso laacibkan. Masuuliyiinta kooxdaasi waxay u arkaan Palhinha ciyaartoy aad u wanaagsan, waxaanay ka xaajoonayaan sidii ay ula saxeexan lahaayeen.”

Inkasta oo aanay Arsenal dalab rasmi ah ka gudbinin Palhinha, haddana waxa qiimihiisa lagu sheegay inta u dhaxaysa £70 milyan oo Gini illaa £80 milyan oo Gini, laakiin waxa la filayaa in Fulham ay dalban doonto lacag intaas ka badan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga