Patrice Evra Oo Magacaabay LABA Ciyaartoy Oo Aan U Qalmin Inay U Ciyaaraan Manchester United

Patrice Evra ayaa rumaysan in ay adag tahay in Marcus Rashford iyo Anthony Martial ay ku qasbaan tababare Erik ten Hag in uu dib ugu soo celiyo safka hore oo ay kusoo bilowdaan, iyaga oo haysta boosas damaanad ah, kaddib markii kaydka loo diray ciyaartii Chelsea ee ay Red Devils saddexda dhibcood xoogsatay.

Marcus Rashford iyo Anthony Martial ayaa kaydka la dhigay maadaama ay ciyaar liidata soo bandhigeen kulankii guul-darrada ee Sabtidii ay Newcastle kusoo karbaashtay 1-0.

Labadan weeraryahan ayaa waxa ay dhalliilo waaweyn kala kulmayeen falanqeeyeyaasha ciyaaraha oo ku eedaynayay in aanay wax dedaal ah samaynin kulankii St. James’ Park, waxaana lagu beddelay Rasmus Hojlund iyo Anthony iyadoo Alejandro Garnacho uu sii wato inuu si joogto ah ugu soo bilowdo garabka bidix.

Kaddib markii ay Manchester United 2-1 ku garaacday Chelsea, Patrice Evra ayaa waxa uu sheegay in labada ciyaartoy ee Rashford iyo Martial ay tahay inay kaydka ku jiraan oo aanay u qalmin in ay ciyaaraan marka la eego bandhigga xiddigihii Arbacadii ka takhalusay Blues.

Patrice Evra oo ka hadlayay Amazon Prime ayaa yidhi: “Ten Hag waxa uu kusoo bilaabay ciyaartoydii saxda ahayd, jamaahiirta United ma aanay fahmin haddii ay isla kooxdii usbuucii hore aanay ciyaarayn kulanka xiga.

“Anigu waan fahmi karayaa in haddii ay dhaawacyo yimaaddaan ay dib ugu soo laaban doonaan kooxda, laakiin way ku adkaan doontaa Marcus iyo Martial in ay kusoo noqdaan safka lagu soo bilaabayo, sababtoo ah Garnacho waa mucjiso, Antony waxa uu soo bandhigay ciyaar heersare iyo shaqo anshax leh oo aan lahayn wax lagu saluugo.

“Markaa, way ku adkaan doontaa Marcus iyo Rashford inay fursad helaan, waxaana laga doonayaa in ay u dagaallamaan sidii ay boosaskooda dib ugu heli lahaayeen sababtoo ah wali da’doodu way yar tahay.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga