DEG-DEG: Erling Haaland Oo Laga Saaray Liiska Ciyaartoyda Man City Ee Kulanka Luton Town

Weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda Manchester City ee kulanka Luton Town ee galabta, taas oo ay kooxdiisu u baahan tahay in ay kusoo laabato jidka guusha horyaalka Premier League ee ay ka maqnayd afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Manchester City oo guul-darro kala soo kulantay Aston Villa Arbacadii, sidoo kalena barbarro lasoo gashay Tottenham, Liverpool iyo Chelsea ayaa waxay galabta marti u tahay Luton oo ay ku booqanayso garoonka Kenilworth Road.

Tababare Pep Guardiola ayaa waxa ka maqan kooxdiisa dhaliyahooda koowaad oo xilli-ciyaareedkan socda u dhaliyey 14 gool 15 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo uu saftay, balse aan awoodin inuu shabaqa soo taabto kulamadii Tottenham iyo Aston Villa.

Julian Alvarez ayaa beddeli doona Erling Haaland oo kusoo bilaaban doona weerarka, laakiin waxa safka Man City dib ugu soo laabanaya Rodri iyo Jack Grealish oo ganaaxyo ku maqnaa ciyaartii Aston Villa.

Dhinaca kale, Jeremy Doku oo dhaawac ku seegay ciyaartii Villa Park, ayaan taam buuxa ahayn, waxaanay taasi ka dhigan tahay in Bernardo Silva uu kusoo bilaaban doono booska No.10 ama Phil Foden ayaa ka dheeli doona booskaas.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga