Pep Guardiola Oo Isbeddel Ku Sameeyey Xiddigihii Ku Fashilmay Inay Guul Ka Keenaan Liverpool & Chelsea

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium kusoo dhoweynaysa Tottenham, kulan adag oo ay dhinacyadu raadinayaan guulo ay ugu dhowaadaan kaalmaha sare.

Tottenham oo laga badiyey saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, ayaa waxa ay kusoo gashay shax adag, iyadoo tababare Ange Postecoglou uu dib u helay Bousouma oo kasoo laabtay ganaax, waxaana sidoo kale kusoo bilowday Ben Davies iyo Emerson Royal, halka kaydka loo diray Pierre-Emile Hojberg.

Bryan Gil ayaa kusoo bilowday mar kale, waxaana ay khadka dhexe ku wehelinayaan Giovani Lo Celso iyo Bissouma, halka weerarka ay ka wada ciyaarayaan Johnson, Kulusevski iyo Heung-min Son.

Dhinaca Manchester City, waxa dib ugu soo laabtay safka hore difaaca reer Croatia ee Josko Gvardiol oo beddelay Nathan Ake oo kusoo bilowday ciyaartii Liverpool, halka Jeremy Doku uu isaguna sii wato inuu garabka bidix ka dheelo.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Man City XI: Ederson, Walker, Gvardiol, Dias, Akanji, Rodri, Silva, Foden, Doku, Alvarez, Haaland.

Kaydka: Ortega, Phillips, Stones, Ake, Kovacic, Grealish, Gomez, Bobb, Lewis.

Tottenham XI: Vicario, Udogie, Porro, Royal, Davies, Bissouma, Lo Celso, Johnson, Kulusevski, Gil, Son.

Kaydka: Forster, Austin, Skipp, Hojbjerg, Richarlison, Veliz, Santiago, Donley, Dorrington.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga