LIX Kooxood Oo Premier League Ah Oo Ku Dagaallamaya Ciyaartoy, Man City Oo Heshay Messi-ga Cusub, Barca Oo Fasaxaysa Lewandowski Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta

Tottenham, Aston Villa, Newcastle iyo Brighton ayaa kusoo biiray tartankii ay Manchester City iyo Manchester United ugu jireen saxeexa kubbad-burburiyaha reer Netherlands ee Kenneth Taylor oo ah 21 jir u ciyaara Ajax.  (Teamtalk)

Manchester City waxa kale oo ay ku raad-joogtaa da’yarka reer Argentina ee Claudio Echerevvi oo ah 17 jir u ciyaara River Plate oo ay dadka qaarkood ku tilmaamaan ‘Lionel Messi-ga cusub’. (Mirror)

Barcelona waxay si bilaash ah ku fasixi doontaa Robert Lewandowski dhamaadka xilli0ciyaareedkan socda, sababtoo ah qodob ku jiray heshiiskii ay la saxeexatay ayaa sidaa dhigaya. (Sport)

Tottenham waxay indhaha ku haysaa khadka dhexe ee Manchester City ee Kalvin Phillips, kaas oo la filayo inuu ka tago Etihad Stadium bisha January. (Football Insider)

Real Madrid waxay doonaysaa inay tababaraheeda cusub ka dhigato Xabi Alonso oo uu u beddelo Zinedine Zidane. Alonso ayaa tababare u ah Bayer Leverkusen oo wacdaro ka dhigaysa horyaalka Bundesliga (Mirror)

Bayern Munich ayaa doonaysa inay AC Milan kasoo afduubato goolhayaha reer France ee Mike Maignan oo 28 jir ah, si uu ugu beddelo Manuel Neuer oo 37 jir ah. (Sky Sports)

Tababaraha Brighton ee Roberto de Zerbi ayaa la filayaa in mustaqbalkiisa uu u ballan-qaado kooxdiisa, iyadoo ay dhinacyadu isku diyaarinayaan saxeex heshiis cusub. Manchester United ayaa doonaysa inay De Zerbi kasoo qaadato Brighton oo ay ku beddesho Ten Hag. (Football Insider)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga