DEG-DEG: Jude Bellingham Oo Dhaawacmay + Muddada Uu Garoomada Ka Maqnaanayo

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa waxa usoo yeedhay war kale oo ka nixiyey tababare Carlo Ancelotti, kaas oo u xaqiijiyey in uu maanta tababarka ku dhaawacmay xiddiga reer England ee Jude Bellingham oo laga saaray garoonka Valdebebas.

Jude Bellingham ayaa saaka yimid garoonka tababarka, laakiin toban daqiiqadood oo kaliya markii uu tababarka samaynayay ayaa uu dhaawac soo gaadhay, waxaana uu ka baxay tababarka.

Dhakhaatiirta kooxda ayaa daaweyn u sameeyey Jude Bellingham ka hor intii aanu tababarka ka bixin, waxaana hadda uu shaki weyn ku jiraa ciyaarta ay Sabtida berri Real Madrid waajahayso Granada.

Wariyaha ciyaaraha Jose Luis Sanchez ayaa ku warramay in Jude Bellingahm uu ka maqnaan doono ciyaarta Granada oo haddii ay guuleystaan ay sii dheeraysan karayaan hoggaanka horyaalka LaLiga ee ay haystaan.

Warka ayaa intaa ku daray, in markii uu Jude Bellingham sii wadi kari waayay tababarka, in dhakhaatiirtu ay ku riixeen inuu orod gucle ah sameeyo, kaas oo uu woxoogaa sii waday ka hor intii aanu tegin qolka jimicsiga.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa laga sugayaa in uu goordhow warbaahinta u sheego sida ay tahay xaaladda Jude Bellingham iyo muddada uu garoomada ka maqnaanayo.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayay hore uga dhaawacnaayeen siddeed ciyaartoy oo muhiim ah, sida Vinicius Junior, Eduardo Camavinga, Aurelien Tchouameni, Eder Militao, Luka Modric iyo Thibaut Courtois.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga