Bruno Fernandez, Enzo, Sterling & Havertz Iyo 27 Ciyaartoy Oo Premier League Ah Oo La Ganaaxayo

27 ciyaartoy oo u dheela kooxaha horyaalka Premier League ayaa laga ganaaxayaa min hal kulan oo horyaalka ah, waxaana ku jira xiddigo muhiim u ah kooxahooda, sida Bruno Fernandez, Enzo Fernandez iyo Raheem Sterling oo kooxahooda Manchester United iyo Chelsea ay Arbacada habeen dambe ku dagaallami doonaan garoonka Old Trafford.

Ciyaartoydan uu ganaaxu ku dhacayo, ayaa haysta min afar kaadh oo digniin ah waxaana haddii min hal kaadh oo huruud ah ay qaataan ciyaaraha usbuucan ay seegi doonaan min hal ciyaar oo ay kooxahooda ka maqnaan doonaan.

Manchester City ayaa ku dhibaatoon doonta ciyaarta Aston Villa oo uu ganaax kaga maqan yahay xiddiga reer Spain ee Rodri oo kaadh digniin ahaa qaatay ciyaartii Tottenham, waxaana ay jug weyn ku tahay tababare Pep Guardiola. Waxa kale oo ganaax ku maqnaanaya Jack Grealish oo ciyaartii ugu dambaysay ee Spurs qaatay kaadhkii shanaad ee xilli-ciyaareedkan, iyadoo waliba uu Axaddii ka dhaacmay Jeremy Doku.

Khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Kai Havertz ayaa 14 ciyaarood oo uu u dheelay Arsenal waxa uu qaatay afar kaadh, waxaana haddii uu usbuucan qaato kaadh digniin ah uu seegi doonaa ciyaarta ugu soo horreysa, halka Aston Villa uu kaabiga saaran yahay Douglas Luiz iyo Brighton oo luminaysa Lewis Dunk.

Waa kuwan 27ka ciyaartoy oo min hal kaadh uga hadhsan yihiin in laga ganaaxo Premier League

Kai Havertz (Arsenal)

Matty Cash (Aston Villa)

Lucas Digne (Aston Villa)

Douglas Luiz (Aston Villa)

Kristoffer Ajer (Brentford)

Lewis Dunk (Brighton)

Enzo Fernandez (Chelsea)

Raheem Sterling (Chelsea)

Jordan Ayew (Crystal Palace)

Jarrad Branthwaite (Everton)

Abdoulaye Doucoure (Everton)

Ashley Young (Everton)

Antonee Robinson (Fulham)

Issa Kabore (Luton)

Tom Lockyer (Luton)

Marvelous Nakamba (Luton)

Bruno Fernandes (Manchester United)

Sean Longstaff (Newcastle)

Kieran Trippier (Newcastle)

Orel Mangala (Nottingham Forest)

Ibrahim Sangare (Nottingham Forest)

Anel Ahmedhodzic (Sheffield United)

Oliver Norwood (Sheffield United)

Jack Robinson (Sheffield United)

Destiny Udogie (Tottenham)

Rayan Ait-Nouri (Wolves)

Hwang Hee-chan (Wolves)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga