Andre Onana Oo Laga Mamnuucayo Inuu U Ciyaaro Manchester United Iyo Go’aanka Qaldan Ee Uu Qaatay Goolhayaha Cameroon

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa ka mamnuucaya goolhaye Andre Onana inuu u ciyaaro Manchester United, waxaana loo adeegsanayaa sharci ay yar yihiin dadka yaqaanna amaba hore loogu adeegsaday.

Goolhayaha koowaad ee Manchester United ayaa la filayaa in bisha Janaury uu u safro Afrika oo uu xulka qarankiisa Cameroon kala qayb-galo tartanka qaramada Afrika ee lagu qaban doono waddanka Ivory Coast.

Laacibkan oo hore uga fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah intii uu socday Koobkii Adduunka ee dhamaadka sannadkii hore lagu qabtay Qatar markii ay isku dhaceen tababare Rigobert SOng oo ka caydhiyey xulka, ayaa dib ugu soo laabtay, iyagoo mar kale wada-hadlay Song.

Sidaas oo ay tahay, goolhayaha reer Cameroon ayaa la sheegay in uu ka fiirsanayo in aanu ka qayb-gelin tartanka qaramada Afrika oo uu iska diido inuu xulkiisa kala qayb-galo tartanka Afrika, si uu u caawiyo kooxdiisa Manchester United ee uu sida xun kula bilowday, isla markaana niyad-jabka ka qaadday qaladaad badan oo uu samaynayo.

Ciyaartii Galatasaray ayuu laba qalad oo goolal noqday sameeyey Andre Onana, sidoo kalena kulankii Bayern Munich ee ay tartanka ku furteen ayaa uu sabab u ahaa gool laga dhaliyey naadigiisa, halka ciyaartii FC Copenhagen uu sabab u noqday in casaan la siiyo Casemiro.

Onana ayaa waxa uu u arkaa in niyad-jabka kooxdiisa uu ku maydhi karayo in aanu ka tegin bisha January oo uu lasii joogo isla markaana Cameroon uu ku qasbo inay ka reebaan liiska xulka qaranka dalkaas, laakiin haddii uu sidaa sameeyo, waxa dhici doonta in gebi ahaanba ciyaaraha laga mamnuuco goolhaye Onana oo muddada uu socdo tartanka Afrika aan loo ogolaanin inuu wax ciyaaro ah u safto kooxdiisa.

Cameroon ayay ku xidhan tahay, waxaana haddii loou yeedho xulka oo uu diido ku dhici doona sharcigan oo u diidi doona inuu u safto kooxdiisa.

Waxa sharcigan hore loogu qaaday difaaca Liverpool ee Joel Matip oo diiday inuu u tago xulkiisa oo uu kala-qaybgalo tartankii AFCON ee sannadihii 2017 iyo 2020, waxaanay FIFA ka mamnuucday inuu u ciyaaro kooxdiisa Liverpool muddadii uu tartanku socday.

Matip oo aan xulka qarankiisa u ciyaarin tan iyo 2015, ayaa diiday inuu tago labadan koob, balse kooxdiisu ma aanay calfanin, taas oo keentay inuu gurigiisa ka daawado.

Tartanka qaramada Afrika oo soconaya January 13 illaa February 11, ayaa waxa haddii uu tago Onana uu ka maqnaan doonaa lix ciyaarood oo ay Manchester United dheeli doonto, haddii uu diido inuu tartankaa tagana looma ogolaan doono inuu lixdaas kulan u ciyaaro Manchester United.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga