Mohamed Salah Oo Sameeyey Taariikh Qariib Ku Ah Liverpool Iyo Afarta Ciyaartoy Ee Uu Hiigsanayo

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sameeyey taariikh naadir ku ah Liverpool oo dhinaca gool-dhalinta ah, kaddib markii uu shabaqa soo taabtay ciyaartii ay guusha waqtiga dambe ah ka gaadheen Crystal Palace ee ay kula wareegeen hoggaanka horyaalka Premier League.

Markii uu Mohamed Salah yimid Anfield sannadkii 2017 oo ay Reds £34 milyan oo Gini kaga soo iibsatay AS Roma, way yaraayeen dadka saadaalinayay in uu saamayn sidan oo kale ah ku yeelan doono Liverpool, laakiin maanta ayuu sameeyey taariikh ay uga horreeyeen afar ciyaartoy oo kaliya.

Mohamed Salah ayaa ciyaartii Crystal Palace waxa uu dhaliyey goolkiisii 200aad ee dhamaan tartamada ah ee uu dhaliyo isaga oo xidhan garanka Liverpool, waxaana uu noqday ciyaartoygii afraad ee Liverpool ah ee rikoodhkan gaadha.

August 2017 ayaa uu Mohamed Salah kulankiisii ugu horreeyey u saftay Liverpool ciyaar ay Vicario Road ku booqdeen Watford oo ay barbarro 3-3 ah lasoo galeen, taas oo dhamaadkii uu Salah dhaliyey goolka barbarraha.

Goolkaas ayaa ibo-fur u noqday rikoodhka uu Salah ka samaynayo garoomada, waxaana uu maanta dhamaystiray 200 gool oo uu buuxiyey, isaga oo sidaas ku noqday ciyaartoygii shanaad ee Liverpool u dhaliya 200 gool iyo ka badan.

Salah ayaa haddii uu sii wato rkoodhkiisa gool-dhalinta ee xilli-ciyaareedkan, waxa uu fursad u heli doonaa inuu qaarkood dhaafo afarta ciyaartoy ee ka goolasha badan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga