AFARTII Rikoodh Ee Ciyaarta, Xiddigii Garoonka Ee La Isku Qabsaday Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Liverpool vs Crystal Palace

Liverpool waxay hoggaanka horyaalka Premier League kula wareegtay guul 2-1 ah oo ay kasoo gaadhay Crystal Palace oo ay ku booqatay magaalada London, waxaayse ku ducaysanayaan in laga qabto Arsenal oo goordhow la ciyaaraysa Aston Villa.

Palace ayaa rikoodhe ku qabatay hoggaanka ciyaarta qaybta labaad, laakiin Mohamed Salah ayaa barbarreeyey oo dhaliyey goolkiisii 200aad ee uu u saxeexo Liverpool, halka Harvey Elliott uu daqiiqaddii 91aad keenay goolka guusha iyadoo Luis Diaz laga diiday gool uu dhaliyey.

Afartii rikoodh ee laga diiwaangeliyey ciyaarta

  • Liverpool waxay guuleysatay 67% kulamadii horyaalka Premier League ee ay booqatay Crystal Palace. 15kii ciyaarood ee ugu dambeeyey, Liverpool ayaa badisay 10 ka mid ah.
  • Liverpool waxay xilli-ciyaareedkan guuleysatay afar ciyaarood oo Premier League ah oo gool lagala hormaray. Waa in ka badan intii ay sameeyeen xilli-ciyaareedkii hore ee 2022/23 oo dhan, kaas oo kaliya saddex ciyaarood ay guuleysteen iyadoo gool lagala hormaray.
  • Crystal Palace waxa laga badiyey afar ciyaarood oo xidhiidh ah oo Premier League ah markii ugu horreysay tan iyo March 2016 waqtigaas oo uu Alan Pardew tababare u ahaa.
  • Jordan Ayew ayaa qaatay casaankiisii koowaad ee intii uu u ciyaarayay Crystal Palace. Laba casaan oo kale oo uu qaatay waxa uu u ciyaarayay Swansea iyo Aston Villa.

Xiddigii garoonka ee la isku qabsaday

Mohamed Salah iyo Harvey Elliott ayaa isku qabsaday xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta. Salah ayaa dhaliyey goolka barbarraha, halka Elliott uu dhaliyey goolka guusha isaga oo saamayn weyn ku lahaa ciyaarta intii uu garoonka ku jiray.

Telefishanka Sky Sports ee ciyaarta baahiyey, waxa uu xiddiga garoonka siiyey Harvey Elliott, hase yeeshee Premier League ayaa waxa uu xiddiga ciyaarta u doortay Mohamed Salah iyadoo taageereyaashuna xiddiga Masar u codeeyeen.

Qiimaynta ciyaartoyda labada kooxood

Crystal Palace: Johnstone (6), Ward (7), Guehi (7), Andersen (7), Clyne (7), Richards (7), Lerma (7), Hughes (7), Schlupp (6), Ayew (7), Edouard (6).

Beddelka: Mateta (7), Olise (6), Ahamada (6), Matthews (n/a), Ozoh (n/a).

Liverpool: Alisson (7), Alexander-Arnold (6), Quansah (6), Van Dijk (7), Tsimikas (6), Szoboszlai (6), Endo (6), Gravenberch (6), Salah (7), Nunez (5), Diaz (5).

Beddelka: Gomez (7), Konate (6), Gakpo (6), Elliott (7), Jones (7).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga