Mohamad Salah Oo Qiimeeyey Fursadda Liverpool Ugu Guuleysan Karayso Horyaalka Premier League

Kooxda kubadda cagta Liverpool waxay ku guuleysan karaysaa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premeir League ee ay hoggaankiisa hayso, sida uu rumaysan yahay xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo saxaafadda la hadlay.

Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa Sabtidii isku ballaadhisay hoggaanka Premier League oo ay ugu dambaysay muddo sannad iyo dheeraad ah, waxaana sii caawisay Aston Villa oo ka reebtay Arsenal oo hore figta sare u fadhiday.

Reds ayaa waxay shalay 2-1 kaga soo adkaatay toban ciyaartoy oo Crystal Palace ah oo inta badan ciyaarta ka haystay, laakiin dhamaadkii ay Mohamed Salah iyo Harvey Elliott min hal gool ka dhaliyeen.

Reds oo horyaalka Premier League ku guuleysatay sannadkii 2020 oo ay soo afjartay 30 sannadood oo ay ka qatanaayeen horyaalka Premier League, ayaa waxa saddexdii sannadood ee ka dambeeyey si xidhiidh ah ugu guuleysatay Manchester City oo afartii kulan ee ugu dambeeyey aan wax guul ah gaadhin.

Mohamad Salah oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo in kooxdiisu ay xilli-ciyaareedkan leedahay awood ay ugu guuleysato, isla markaana ay maskax ahaan yihiin koox u diyaarsan in ay guuleystaan.

“Waxa aan arkayaa maskax iyo niyad aanu kusii wadi karayno dagaalka illaa dhamaadka, waxa aanu taas muujinay ciyaartii Crystal Palace, iyo kulankii ka horreeyey.” Ayuu yidhi Mohamad Salah.

Waxa uu intaa ku daray: “Waa arrin togan oo muujinaysa waxa aanu samayn karayno. Dabcan waxa aanu hadda haysanaa koox ay lix ama toddoba ciyaartoy ku cusub yihiin safka hore. Waa in aanu talooyinkayaga siinno, waa ciyaartooyo wax badan baranaya, run ahaantiina waa wiilal wanaagsan oo awood u leh inay wax bartaan.

“Laga soo bilaabo 2019, waxa jira waxyaabo aanu isku mid ka nahay, laakiin wiilashaas hore guulo waaweyn ayay gaadheen, waana in looga mahad-celiyo. Waxaase hubaa, in sannadkan aanu samayn doono wax khaas ah.”

Mohamad Salah oo la weydiiyey in ay kooxdiisu ku guuleysan karayso horyaalka Premier League ayaa si kooban u yidhi: “Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga