Eduardo Camavinga Oo Magacaabay Xiddigii Ugu Adkaa Ee Nafta U Keenay Iyo Waqtiga Ay Iska Hor Yimaaddeen

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Eduardo Camavinga oo kasoo kabanaya dhaawaca muruqa ah oo kasoo gaadhay ciyaarihii caalamiga ahaa ee bishii November oo isaga oo tababarka la qaadanaya xulka qarankiisa France ay isku dhaceen Ousmane Dembele, ayaa waraysi uu bixiyey waxa lagu weydiiyey ciyaartoygii ugu adkaa ee uu ku dhibaatooday joojintiisa ee uu la kulmay intii uu ku jiray kubadda cagta, waxaana uu markiiba lasoo booday xiddig ka ciyaara horyaalka Premier League.

Eduardo Camavinga oo ka mid ahaa ciyaartoyda loogu hadal-haynta badan yahay labadii sannadood ee ugu dambeeyey, isla markaana samaynayay korriin ciyaareed oo sare, ayaa waxa uu indhaha kusoo jiitay in uu ka ciyaaro boosas kala duwan, sida khadka dhexe oo dhawr meelood ah iyo difaaca bidix.

Camavinga kama aanu fikirin markii la weydiiyey su’aasha ciyaartoygii ugu adkaa ee uu ku dhibaatooday joojintiisa, waxaana uu si fudud ula soo booday magaca Bernardo Silva oo ay afar jeer iska hor yimaaddeen saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey, iyaga oo isku arkay tartanka Champions League.

Xilli-ciyaareedkii hore, Manchester City ayaa semi-finalka ku reebtay Real Madrid, kaddibna ku guuleysatay Champions League, halka sannadkii ka horreeyeyna ay Real Madrid ku reebtay City isla wareeggaas oo ay ku guuleysatay tartanka, waana afarta ciyaarood ee lababa garoon lagu dheelay ee uu Eduardo Camavinga ku arkay Bernardo Silva.

Waxa kale oo Eduardo Camavinga la weydiiyey ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ee Real Madrid soo maray ee uu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro, waxaana uu doortay Zinedine Zidane isaga oo yidhi: “Waxay ila tahay in qof kasta oo Faransiis ah uu odhanayo Zidane, sidaa daraadeed, anigana waa Zidane.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga