Miyuu Xavi Badalay Go’aankiisa Ah In Uu Ka Tago kooxda Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan? Isaga Ayaa Ka Jawaabay.

Xavi ayaa ku adkeysanaya inuusan bedeli doonin go’aankiisa ku aadan inuu ka tago Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha Blaugrana ayaa daaha ka qaaday in uu ka tagayo kooxda bishii January iyada oo kooxdu bilowday raadinta badalkiisa.

Inkasta oo ay maamulka kooxdu isku dayayaan in ay badalaan go’aanka Tababaraha hadana Xavi ayaa diidan in uu badalo go’aankiisa.

“Shirkii jaraa’id ee kasta waan ku sheegay, waxba isma beddelin”ayuu Xavi yidhi.

“Wali fikirkayga ma badalin waanan ka tagi doonaa kooxda”ayuu sii raaciyay.

“Badal su’aasha hadii aad rabto, tani waa fursadaada”ayuu sii raaciyay.

Barcelona ayaa shaqo fiican qabatay tan ilaa markii uu Xavi shaaciyay go’aanka ah in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga