Mikel Arteta Oo Xaqiijiyay Xiddig Dhaawacan Kadib Guushii West Ham

Markii wax laga weydiiyay maqnaanshaha Takehiro Tomiyasu kulankii ay 6-0 kaga badiyeen West Ham United, Mikel Arteta ayaa ku yiri wareysigiisii ​​ciyaarta ka dib: “Wuxuu ahaa mid niyad jab ah markii uu ka soo laabtay xulka qaranka”.

“Ma ahayn waqtigii la halis gelin lahaa ka dib inta daqiiqo ee uu ciyaaray”

“Tomiyasu muddo badan ayuu ka maqnaa Arsenal sabab la xidhiidha dhaawac kuraanta ah ka hor inta uuna aadin waajibaadka xulkiisa Japan”ayuu sii raaciyay.

“Inkastoo uu hadda soo laabtay, haddana lama heli karo sababtoo dhawac yar awgeed”.

Tomiyasu ayaa laga yaabaa in uu seegay kulanka West Ham laakiin waxa laga yaabaa in uu sidoo kale seego kulanka Fc Porto ee champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga