Jude Bellingham Oo Samaynaya Taariikh Ay Awoodi Waayeen Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo

Xiddiga reer England ee Jude Bellingham ayaa ku siqaya inuu sameeyo taariikh iyo rikoodh ay xataa awoodi waayeen in ay sameeyaan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo muddo 15 sannadood ah ka talinayay adduunyada oo ahaa xiddigaha ugu fiican.

Isniintii xalay ayaa khadka dhexe ee England iyo Real Madrid la guddoonsiiyey abaal-marinta xiddiga da’yarka sannadka ee Golden Boy 2023, kaddib 17 ciyaarood oo uu u saftay Real Madrid oo uu u dhaliyey 15 gool, xulka England oo uu laf-dhabar u ahaa tan iyo Koobkii Adduunka iyo naadigiisii hore ee Borussia Dortmund oo uu hoggaamiye usoo ahaa xilli-ciyaareedkii tegay.

Jude Bellingham ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee Ingiriis ah ee abaal-marintan ku guuleysta tan iyo sannadkii 2014, waqtigaas oo uu Raheem Sterling ku guuleystay isaga oo u ciyaarayay Liverpool.

Waxa xusid mudan in ciyaartoyda abaal-marinta Golden Boy ay kusoo guuleysteen Wayne Rooney, Lionel Messi, Kylian Mbappe iyo Erling Haaland, balse Jude Bellingham waxa uu fursad u haystaa in uu sameeyo taariikh uu ku dhaafayo ciyaartoydan.

Lionel Messi ayaa sannadkii 2005 ku guuleystay abaal-marintan, halka abaal-marinta xiddiga Adduunka ee Ballon d’Or uu afar sannadood kaddib qaaday markiisii koowaad taas oo uu siddeed jeer qaatay.

Cristiano Ronaldo oo isaguna shan jer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or, waligii kuma aanu guuleysanin abaal-marinta xiddiga da’yarka sannadka ee Golden Boy ee Jude Bellingham xalay la guddoonsiiyey.

20 jirkan reer England waxa uu ku siqayaa in uu sameeyo taariikh ay labadaas ciyaartoy ee adduunyada muddad dheer ka talinayay aanay samaynin, waana in uu fursad fiican u haysto in uu ku guuleysato abaal-marinta Ballon d’Or sannadaha soo socda.

Jude Bellingham ayaa haddii uu afar sannadood gudahood ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or, waxa uu ka yaraan doonaa farqiga sannadaha ee u dhexeeyey waqtigii uu Messi ku kala guuleystay Golden Boy iyo Ballon d’Or, waxaana Jude Bellingham hadda ay xafiiltamayaan Kylian Mbappe iyo Erling Haaland.

Xulka qaranka England oo ku guuleysta Euro 2024 oo uu Jude Bellingham bandhig fiican ka sameeyo iyo in kooxdiisa Real Madrid isku darsato Champions League iyo LaLiga isaga oo bandhiggan fiican ee goolashu ku lammaan yihiin sii wata, waxay Jude Bellingham meel bannaan u dhigi doontaa abaal-marinta Ballon d’Or, taas oo haddii uu qaato ka dhigi doonta ciyaartoygii ugu horreeyey ee hal sano ku wada guuleysta Ballon d’Or iyo Golden Boy.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga