Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Bukayo Saka Kadib Markii Uu Dhaawac Uga Baxay Kulankii Man City.

Mikel Arteta ayaa ka warbixiyay dhaawaca Bukayo Saka ka dib markii uu dhaawac uga baxay kulankii ay Arsenal bar-baraha 0/0 ah la gashay Man City.

Saka ayaa shaki laga galinayay ciyaartii waynayd ee u dhaxaysay labada kooxood ee ku xifaaltama horyaalka Premier Leaque laakiin ciyaarta ayaa lagu bilaabay iyada oo labada kooxoodba ay heleen dhibic.

22-sano jirkaan, oo laga saaray xulka England kulamadii saaxiibtinimo ee u dambeeyay ee Brazil iyo Belgium, ayaa dhameystiray 78 daqiiqo ka hor inta aan la bedelin.

Saka waxaa lagu bedelay Gabriel Martinelli ka dib markii uu xanuun ka dareemay lugta laakiin Arteta ayaa sheegay in uu Saka fiican yahay isla markaas daal dartiis looga saaray ciyaarta.

“Ma jiraan wax halis ah” ayuu yiri tababaraha Arsenal ciyaarta ka dib.

“Sida aad ogtihiin, waxa uu ku maqnaa dhowr toddobaad hadda dhibaato yar”.

“Waxa uu dareemayay daal, Kaliya hal maalin ka hor ciyaarta ayuu tababar qaatay”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga