Machester City oo soo bandhigtay Kabtanka 1aad & kuxigeenadiisa Yaa Noqday hogaamiyaha ?

Tababaraha Manchester City, Enzo Maresca, ayaa si rasmi ah u shaaciyay afarta ciyaaryahan ee noqon doona hoggaamiyeyaasha kooxda xilli ciyaareedka 2026/27, Manchester City ayaa isku diyaarinaysa kulankeeda saddexaad ee Premier League, iyadoo Sabtida la ciyaari doonta Coventry City. Kooxda ayaa si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka, waxaana ay guulo ka gaartay labadii kulan ee hore oo ay la ciyaartay Bournemouth iyo Crystal Palace.

Maresca ayaa sheegay in afarta ciyaaryahan ee hoggaamin doona Manchester City ay yihiin:

  • Rúben Dias
  • Erling Haaland
  • Marc Guéhi
  • Gianluigi Donnarumma

Rúben Dias ayaa xirnaa calaamadda kabtannimada labadii kulan ee ugu horreeyay xilli ciyaareedkan, waxaana loo arkaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu muhiimsan kooxda.

Xulashada Marc Guéhi ayaa noqotay mid si gaar ah loola yaabay, Guéhi ayaa Manchester City ku soo biiray kaliya bishii Janaayo ee la soo dhaafay, balse muddo gaaban gudaheed ayuu ku kasbaday kalsoonida kooxda, waxaana hadda loo magacaabay mid ka mid ah afarta kabtan.

Guéhi wuxuu sidoo kale horey u watay calaamadda kabtannimada markii uu u ciyaarayay Crystal Palace, taasoo ka caawisay inuu leeyahay khibrad hoggaamineed.

Gianluigi Donnarumma isna wuxuu leeyahay khibrad weyn oo hoggaamineed, maadaama uu yahay kabtanka xulka qaranka Talyaaniga, Sidaas darteed, joogitaankiisa afarta kabtan ma ahan mid lama filaan ah, gaar ahaan iyadoo uu leeyahay waayo-aragnimo heer caalami ah.

Dhanka Erling Haaland, xiddiga reer Norway wuxuu hadda galayaa xilli ciyaareedkiisii shanaad ee Manchester City , Haaland ayaa sanadihii ugu dambeeyay noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu saameynta badan kooxda, waxaana sii kordhaya doorkiisa gudaha qolka labiska iyo hoggaaminta kooxda.

Manchester City ayaa sidaas darteed yeelatay afar hoggaamiye oo leh khibrado iyo astaamo kala duwan, iyadoo Rúben Dias, Haaland, Guéhi iyo Donnarumma ay qaadi doonaan mas’uuliyadda hoggaaminta kooxda xilli ciyaareedka 2026/27.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga