Halyeeygii Paul Merson ayaa ku boorriyay Arsenal inay xagaagan la soo saxiixdaan ugu yaraan laba ciyaaryahan cusub kadib markii ay ku guuleysteen horyaalka Premier League.
Tababare Mikel Arteta ayaa Arsenal ku hoggaamiyay horyaalkoodii ugu horreeyay ee Premier League tan iyo 2004, iyadoo Gunners ay toddobo dhibcood kaga sarreeyeen Manchester City.
Arsenal waxay qaaday koobkoodii ugu horreeyay ee Premier League muddo 22 sano ah kadib guushii ay ka gaareen Selhurst Park Axaddii, waxaana dabaaldegyadu socdeen habeenkii oo dhan.
Kadib dhamaadka xilli ciyaareedka Arsenal ayaa Suuqa saari Doonta Suuqa Kala Iibsiga Xagaaga iyada Oo lacag badan Ka Faa’iiday Ku Guulaysiga Premier League.
Merson wuxuu aaminsan yahay in lacagtaas inteeda badan lagu bixiyo weeraryahanka Julian Alvarez.
Alvarez ayaa la filayaa inuu ka tago Atletico Madrid xagaagan, waxaana Arsenal ka mid tahay kooxaha ugu cadcad ee doonaya saxiixiisa, iyadoo sidoo kale ay xiiseynayaan PSG iyo Barcelona.
Xiddiga reer Argentina ayaa dhaliyay 36 gool labadii xilli ciyaareed uu joogay Manchester City, wuxuuna kooxda Pep Guardiola kula guuleystay laba Premier League iyo Champions League.
Wuxuu sidoo kale si fiican uga ciyaaray Atletico Madrid isagoo dhaliyay 49 gool laba xilli ciyaareed gudahood, balse waxaa la sheegay inuu doonayo inuu kooxda ka tago maadaama uusan koobab ku guuleysan tan iyo markii uu Madrid yimid.
26-jirkan ayaa la sheegay inuu Atletico u sheegay inuu diyaar u yahay bixitaan xagaagan, balse kooxda Spain waxay ku adkeysaneysaa in lagu iibin doono lacag dhan 150 milyan oo euro (£130 milyan).
Merson ayaa sheegay in Alvarez uu mudan yahay lacagtaas, isagoo yiri:
“Waxaan xagaagan la soo saxiixan lahaa weeraryahan dhexe, waxaanan aadi lahaa Julian Alvarez. Aad ayaan taageere ugu ahay. Haddii ay heli karaan waan soo qaadan lahaa. Waxaan sidoo kale u maleynayaa inay u baahan yihiin khadka dhexe ciyaaryahan kale.”
Dhanka kale, Gary Neville ayaa sidoo kale sheegay in Arsenal ay tahay inay soo iibsato weeraryahan iyo ciyaaryahan khadka dhexe ah xagaagan.
Neville wuxuu yiri:
“Arsenal waxay u baahan doontaa inay mar kale xoojiso kooxda, laakiin hadda ma ahan waqtigii laga hadli lahaa arrintaas maadaama ay ku guuleysteen horyaalka islamarkaana ay heystaan final Champions League.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Waxaa laga yaabaa inay u baahan yihiin weeraryahan kale oo taageero u noqda Viktor Gyokeres iyo sidoo kale ciyaaryahan khadka dhexe ah haddii Declan Rice ama Martin Zubimendi aysan diyaar noqon.”
Be the first to comment