Hansi Flick oo ka hadlay Ballon d’Or iyo Champions League: “Waxaan haysannaa awoodda aan ku qaadi karno”

Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa ka hadlay xaaladda kooxdiisa ka hor kulanka ay Arbacada la ciyaari doonaan Feyenoord, kaasoo qeyb ka ah wareegga koowaad ee Champions League xilli ciyaareedka 2026/27, Flick ayaa sheegay in Barcelona ay leedahay dhammaan awoodaha looga baahan yahay inay ku guuleysato Champions League, balse uu xusay in kooxda ay tahay inay awooddaas ku muujiso garoonka.

Flick ayaa yiri: “Champions League waa tartanka ugu wanaagsan ee aan ciyaari karno, Waxaan haysannaa awoodda aan ugu guuleysan karno, laakiin waa inaan taas caddeynnaa.”

Tababaraha ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo in ciyaartoydiisu ay si joogto ah u horumaraan, isla markaana ay kulam kasta muujiyaan heerka ugu sarreeya, Flick ayaa si gaar ah u amaanay Lamine Yamal, isagoo sheegay in xiddiga da’da yar uu yahay ciyaaryahan awood u leh inuu kaligiis go’aamiyo natiijada kulamada.

Wuxuu Yamal ku tilmaamay ciyaaryahan “heer sare ah oo aan caadi ahayn”, isagoo intaas ku daray inuu mar walba doonayo inuu horumariyo ciyaartiisa, Flick ayaa sidoo kale sheegay in Yamal uu qaadayo masuuliyad weyn, isla markaana uu yahay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxda.

Markii wax laga weydiiyay tartanka Ballon d’Or, Flick wuxuu sheegay in Barcelona ay leedahay ciyaartoy badan oo tayo sare leh, isla markaana uu rajeynayo in mid ka mid ah ciyaartoyda kooxdiisa uu ku guuleysto abaalmarinta waxa uu yiri :- “Waxaan haysannaa ciyaartoy badan oo aad u fiican, waxaana rajeynayaa in midkood uu ku guuleysto Ballon d’Or, Aniga shaqadaydu ma aha inaan codeeyo. Tayadu waa muhiim, laakiin anshaxa shaqada iyo maskaxda ciyaaryahanka sidoo kale waa muhiim.”

Flick ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Barcelona ay bartilmaameedsanayso inay ku guuleysato La Liga saddex xilli oo xiriir ah, isagoo sheegay in taasi ay noqon lahayd guul gaar ah, Wuxuu intaas ku daray in kooxdu ay qaabkeeda ciyaareed u waafajin karto kooxda ay la kulmeyso, balse hadafku yahay in la ciyaaro kubad soo jiidasho leh.

Tababaraha ayaa qiray inaysan sahlanayn in dhammaan ciyaartoyda keydka ah ay ku qanacsanaadaan xaaladdooda, maadaama kubaddu tahay ciyaar xirfadeysan oo tababaruhu uu qasab ku yahay inuu sameeyo go’aanno adag, Si kastaba, wuxuu ciyaartoyda kula dardaarmay inay sii shaqeeyaan, muujiyaan niyad wanaagsan, isla markaana ay kooxda u wada shaqeeyaan.

Flick ayaa sidoo kale sheegay in Frenkie de Jong uu yahay ciyaaryahan leh xirfad-yaqaanimo aad u sarreysa, wuxuuna filayaa inuu kooxda dib ugu soo laabto toddobaadyada soo socda marka uu kasoo kabto dhaawaciisa, Dhanka kale, ciyaaryahanka la sheegay inuu dhaawac qabo ma ciyaari doono kulanka Feyenoord, balse Flick wuxuu sheegay inuu si dhow ula socdo ciyaartoyda kale ee kooxda, isagoo aaminsan inay mustaqbalka fursad ka heli karaan kooxda koowaad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga