“Maxaad La Taagan Tahay…” – Erik ten Hag Iyo Ciyaartoy Machester United Ah Oo Ku Murmay Garoonka Dhaxdiisa

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa waxa uu muran dhaxmaray weeraryahanka kooxdiisa ee Anthony Martial oo taagan badhtamaha garoonka ciyaartii ay Newcastle United 1-0 kasoo badisay xalay ee soo afjartay saddex guulood oo xidhiidh ahaa oo ay Red Devils kasoo hoysay horyaalka Premier League.

Erik ten Hag ayaa ku qayliyey Martial oo badhtamaha garoonka jooga oo usii jeeda dhinaca goolka kooxda kale, iyadoo agtiisana uu joogo difaacii ugu dambeeyey ee Newcastle, taas oo ka dhigan in kooxdiisa uu saarnaa culays weyn oo loo baahnaa inuu dib u noqdo oo uu qayb ka qaato difaacista kubadda.

Kaamirooyinka garoonka ayaa qabtay Erik ten Hag oo ku qaylinayay laacibkan oo isaguna u muuqday inuu u jawaabayo oo uu dhibsanayo hadalka tababarihiisa, waxyar kaddibna waxa la beddelay Anthony Martial oo si aan qalbi furnayn oo ay cadho ku jirto usii salaamay tababarihiisa, waxaana booskiisa yimid Rasmus Hojlund oo kaydka kusoo bilowday.

Qaybtii hore oo ay Newcastle United ku liidatay dhamaystirka kubbadaha ayaa ay markii dambe isasoo noolaysay, waxaana goolka madiga ah ee guushooda go’aamiyey dhaliyey da’yarka England ee Anthony Gordon.

Ka sokow guul-darrada Manchester United, waxay taageereyaashu hadal-hayaan khilaafka Martial iyo Ten Hag, waxaana uu tababaruhu ka cadhaysnaa in dhawr jeer uu difaaca Newcastle United ee Fabian Schar uu kubbado ku weeraray difaaca Man United sidoo kalena uu dhisayey kubadda, taas oo loo baahnaa in Martial uu u diido.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga