Maxaa Ku Dhacay Man City Oo Ay Hoos Ugu Sii Socotaa? – Akhriso LABA Rikoodh Oo Ceeb Ku Ah Pep Guardiola Oo La Diiwaangeliyey

Manchester City ayaa waxa ay keentay laba rikoodh oo ceeb ku ah tababare Pep Guardiola ciyaartii ay xalay guul-darradu kasoo gaadhay ee ay Aston Villa kusoo garaacday 1-0  kulan ka dhacay Villa Park oo khasaaraha City ay go’aamiyeen Leon Bailey oo goolka dhaliyey bandhig cajiib ahaa oo uu sameeyey John McGinn.

Unai Emery ayay kooxdiisu heshay saddex dhibcood oo sababay inay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League soo galaan, waxaana cajiib ahayd in Aston Villa ay ciyaarta maamulaysay oo ay heshay fursado badan oo kale oo ay iska khasaariyeen.

Manchester City waxay kaliya goolka toogatay LABA jeer 90kii daqiiqadood ee ciyaarta, labada jeerna waxay ahaayeen 11kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ee bilowga ciyaarta, intii dambena waxay ku rafaadsanaayeen gudaha Villa Park.

Waa markii ugu horreysay ee koox uu Pep Guardiola uu tababare u yahay ay laba jeer oo kaliya goolka toogato, waana markii ugu horreysay ee ay sidan oo kale u liitadato koox uu macallin u yahay tababarahani.

Bailey oo dhaliyey goolka daqiiqaddii 74aad ayaa dhaawac ku baxay, laakiin waxay kooxdiisu sii wadatay weerarka daadka ah ee sababay in City ay goolkeeda dabada geliso. Waxa tiro kubbado xidhiidh ahaa badbaadiyey goolhaye Ederson oo haddii aanu joogi lahayn ay kooxdiisu dersin goolal ah martigelin lahayd.

Aston Villa waxay toogatay goolka Manchester City 22 jeer, waana markii koowaad ee 535 ciyaarood oo Pep Guardiola uu tababare soo ahaa goolkiisa la toogto 22 jeer.

Qaybtii hore, Aston Villa waxay goolka Man City toogatay 13 jeer, waxaanay noqotay tiradii ugu badnayd ee abid uu Guardiola la kulmay, iyadoo qaybtii labaadna sagaal jeer oo kale ay Villa awood u yeelatay in ay goolka City kubbado ku ganto.

Rikoodhka kale ee murugada leh waxa uu ahaa, in Manchester City aanay xataa hal koorne helin ciyaarta oo dhan, waana markii koowaad ee ay sidaasi ku dhacdo Pep Guardiola intii uu joogay horyaalka Premier League.

City waxa ay guul la’aan tahay afar ciyaarood oo xidhiidh ah oo horyaalka Premier League oo ay saddex barbarro soo galeen, midna laga badiyey, waana markii ugu horreysay ee kooxdan ay sidaasi ku dhacdo muddo Lix sannadood iyo badh ah. Sidoo kale, waa ciyaartii shanaad ee uu ka maqan yahay Rodri ee ay ku fashilmeen inay ku guuleystaan tartamada oo dhan.

Afarta ciyaarood ee ay guul la’aanta tahay Manchester City, waxa ka faa’iidaysatay Arsenal oo hore kaalinta saddexaad ugu jirtay oo hadda lix dhibcood ka horreysa, halka Liverpool oo ka mid ah kooxaha barbarraha ku qabtay City ay labaad ku jirto oo ay afar dhibcood ka sarrayso kooxda tababare Pep Guardiola.

Arrinta aan la qaadan karaynin ee lama filaanka ku ah qof walba, waa in Manchester City ay kaliya saddex dhibcood ka sarrayso kooxda sida weyn loo saluugsan yahay ee Manchester United oo ay dadka qaarkood ku tilmaameen in xilli-ciyaareedkoodu uu yahay mid murugo ah.

Hadda, Manchester City waxay ku nafisi doontaa Luton Town oo ay Sabtida la ciyaari doonto, waxaanay rajaynayaan in ay heli doonaan saddex dhibcood oo dib ugu soo celiya niyadda.

Pep Guardiola oo la weydiiyey waxa ku dhacay kooxdiisa ayaa yidhi: “Sababta aanu u guuleysan weynay ma aha maqnaanshaha Rodri, sababtoo ah isaga oo nala jooga ayaanu ka adkaan kari weynay Liverpool iyo Tottenham. Dabcan, waa ciyaartoy muhiim noo ah laakiin aniga ayay shaqadayda tahay sidii aanu u heli lahayn xalka guusha iyadoo aanu nala joogin Rodri.

“Aston Villa way naga fiicnayd ciyaartan, waana in aanu aqbalno taas. Waxa aan ogahay in ciyaartoydu dallanaayeen, balse qof walba waxa uu doonayey in uu ismuujiyo oo uu guul u dagaallamo, horena way iigu caddeeyeen taas.

“Natiijadani ma aha mid fiican, ciyaartayada iyo guulahayaguna ma aha kuwo joogto ah. Waa in aan anigu ka fikiro taas. Waa in aan u seexdo si aanu jawaab uga bixinno.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga