Bayern Munich Oo Sidii Carruurta Dhulka Loogu Jiid-jiiday Deutsche Bank Park

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa la kulantay xasuuq weyn oo sabab u noqday in ay ka sabraan hoggaanka horyaalka Bundesliga oo ay si buuxda ula wareegi lahaayeen, waxaanay u daayeen oo ay uga hadheen Bayer Leverkusen oo wali laba dhibcood ka horreysa.

Guul-darro aan meesha lasoo dhiganin iyo bahdilaad ayaa Bayern Munich loogu geystay garoonka Deutsche Bank Park, halkaas oo Eintracht Frankfurt ay siday doonto kaga yeeshay, isla markaana ku burburisay 5-1.

Munich oo haysatay fursad ay hoggaanka horyaalka Bundesliga kula wareegto ayaa iska beer-darraysay oo ogolaatay in shan gool laga dhaliyo labadii qaybood ee ciyaarta, iyadoo Eintracht Frankfurt ay inta badan waqtigii ciyaarta ku dhamaysatay dabbaal-degga iyo farxadda goolasha aanay filaynin inay ku niyad-jabinayaan kooxda 11ka jeer ee xidhiidhka ah ku guuleysatay horyaalka Bundesliga.

Marmoush ayaa hoggaanka u dhiibay Eintracht Frankfurt daqiiqaddii 12aad ee ciyaarta, waxaana laba kale oo daran-doorri ahaa raaciyey Dina Ebimbe iyo Hugo Larsson ka hor intii aanu Joshua Kimmich niyadda usoo celinin Bayern Munich dhamaadka qaybta hore oo ay hal daqiiqo ka hadhsanayd.

Eintracht Frankfurt ma aanay nasanin, waxaana markii lagu soo noqday qaybta labaad ay sii wadday weerarka daadka ah ee ay ku haysay goolka Bayern Munich ee uu waardiyaha ka ahaa Manuel Neuer oo ay caawin waayeen Upamecano, Min-Jae Kim, Alphonso Davies iyo Mazraoui oo awoodi waayey inay joojiyaan kubbadaha daadka ah ee ku socday goolkooda.

Shan daqiiqadood oo kaliya markii ay socotay qaybta labaad ayay Eintracht Frankfurt sii dheeraysatay hoggaanka ciyaarta oo ay ka dhigtay 4-1, waxaana mar kale shabaqa soo taabtay Dina Ebimbe, halka Ansgar Knauff uu keenay goolka shanaad ee yimid xilliga ay quusatay Munich.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Bayern Munich ay haysato 32 dhibcood oo ay ka urursatay 13 kulan oo horyaalka ah oo ay dheeshay, waxaanay saddex dhibcood ka dambeeyaan Bayer Leverkusen oo ah naadiga hoggaanka haya ee aan hal-marna laga badinin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga