Manchester United Iyo Barcelona Oo Isku Beddelanaya Ciyaartooyo Xaalado Kala Duwan Ku Jira

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa u bandhigtay Barcelona heshiis ciyaartooyo is-weydaarsi ah oo ay Red Devils u aragto in ay faa’iido ugu jirto labada dhinacba, laakiin Barcelona ay ku luminayso mid ka mid ah xiddigaheeda qaabka fiican ku jira.

Manchester United ayaa waxa ay Barcelona ula tegayaan qorshe ah in ay Jadon Sancho ugu beddelaan garabka weerarka Brazil ee Raphinha oo inkasta oo bandhig fiican uu samaynayay kulamadii ugu dambeeyey haddana canaan badan loo jeedinayay.

Jadon Sancho oo aan u ciyaarin Machester United tan iyo bishii September isla markaana uu kooxda ka caydhiyey Erik ten Hag oo xataa tababarka aan u ogolaanin, ayaa ay Manchester United doonaysaa in ay ku hesho Raphinha.

Wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa ku warramaya, in Man United ay diyaar la tahay Jadon Sancho oo sannadkii 2021 ay £73 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Borussia Dortmund iyo waliba lacag, kaas oo waliba toddobaadkiina mushahar uga qaato Carrington lacag dhan £300,000 Gini.

Sport waxa uu intaa ku daray, in Manchester United ay u bandhigayso Barcelona in bisha January ay is-weydaarsadaan Jadon Sancho iyo laacibka reer Brazil ee Raphinha oo sannadkii 2022 ay Barcelona kaga soo iibsatay Leeds United lacag dhan £56 milyan oo Gini.

Raphinha ayaa Barcelona u dhaliyey toddoba gool iyo toddoba uu caawiyey 36 kulan oo horyaalka ah oo uu u saftay, laakiin waxa isaguna uu la’yahay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee waqtigii uu joogay horyaalka Premier League ee uu u ciyaari jiray Leeds United.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga