ISBARBAR-DHIG: Min Lixda Ciyaarood Ee Premier League Ee Kusoo Aaddan Man City, Arsenal, Liverpool FC & Spurs – Kooxdee Imtixaan Adag Mari Doonta?

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay kooxuhu ciyaareen min 16 kulan, waxa figta sare fadhida Liverpool oo Sabtidii si buuxda ula wareegtay booskaas oo ay ugu dambaysay muddo laga joogo sannad iyo dhawr bilood, halka Arsenal oo usbuucyadii ka horreysay ka talinaysay horyaalka ay isku-duubtay Aston Villa oo guul-darro u xambaarisay, isla markaana u ridday kaalinta labaad oo waliba hal dhibic kaliya ay usoo jirto.

Machester City oo afar ciyaarood oo xidhiidh ah guulo la’aan ahayd, ayaa ugu dambayntii Axaddii kusoo laabatay tubta guusha, waxaanay guul cidhiidh ah ka gaadheen kooxda yar ee Luton Town oo waliba gool kala hormartay.

Usbuuca soo socda ayaa indhaha lagu hayn doonaa garoonka Anfield oo ay Axadda ku balalnsan yihiin Liverpool iyo Manchester United, laakiin Man City ayaa iyaduna u safri doonta magaalada London oo ay marti ugu noqon doonto Crystal Palace, halka Arsenal ay imtixaan adag ku mari doonto garoonkeeda Emirates Stadium oo ay ku qaabbili doonto Brighton & Hove Albion.

Qormadan waxaynu ku eegaynaa min lixda ciyaarood ee ugu soo horreeya horyaalka Premier League ee kusoo aaddan shanta kooxood ee ugu sarreeya miiska kala-sarraynta, kuwaas oo midkooda laga badiyaba ay booska ka beddeli doonto kooxda ku xigta.

Liverpool ayaa ah kooxda imtixaanka adag sugayo, waxaana iskugu xiga Manchester United iyo Arsenal oo labadooduba ay kusoo booqan doonaan Anfield, sidoo kalena Newcastle United iyo Chelsea ayaa iyaguna ugu iman doona qalcadda xamaasadda badan ee Merseyside halka labada kulan ee kalena yihiin Burnley iyo Bournemouth.

Jurgen Klopp haddii ay kooxdiisu guuleysato lixdan ciyaarood waxa hubaal ah in ay rajo fiican yeelanayso sannadkan oo ay awoodi kari doonto inay horyaalka ku tartanto.

Arsenal oo hal dhibic ka dambaysa Liverpool, waxa iyadana iskugu xigaya afar kooxood oo adag marka la eego marxaladda ay ku jiraan, waana Brighton, Liverpool, West Ham iyo Fulham, halka Crystal Palace iyo Nottingham Forest ay yihiin labada kooxood ee kale ee kulamada shanaad iyo lixaad.

Manchester City waxay kasoo baxday jadwal adag oo ay ku jireen Liverpool, Newcastle, Tottenham iyo Chelsea, waxaanay dhamaantood kusoo lumisay dhibco, hase yeeshee lixda ciyaarood ee hadda kusoo aaddan ayay ka nafisi doonaan imtixaankii adkaa.

Waa kuwan min lixda ciyaarood ee Premier League ee kusoo aaddan shanta kooxood ee ugu dhibcaha sarreeya

Liverpool – 1aad (37 dhibcood)

  • Manchester United  (Minan) – December 17
  • Arsenal  (Minan) – December 23
  • Burnley  (Marti) – December 26
  • Newcastle United  (Minan) – January 1
  • Bournemouth  (Marti) – January 21
  • Chelsea  (Minan) – January 31

Arsenal – 2aad (36 dhibcood)

  • Brighton & Hove Albion  (Minan) – December 17
  • Liverpool  (Marti) – December 23
  • West Ham United  (Minan) – December 28
  • Fulham  (Marti) – December 31
  • Crystal Palace  (Minan) – January 20
  • Nottingham Forest  (Marti) – January 30

Aston Villa – 3aad (35 dhibcood)

  • Brentford  (Marti) – December 17
  • Sheffield United  (Minan) – December 22
  • Manchester United  (Marti) – December 26
  • Burnley  (Minan) – December 30
  • Everton  (Marti) – January 14
  • Newcastle United  (Minan) – January 30

City – 4aad (33 dhibcood)

  • Crystal Palace  (Minan) – December 16
  • Everton  (Marti) – December 27
  • Sheffield United  (Minan) – December 30
  • Newcastle United  (Marti) – January 13
  • Burnley  (Minan) – January 31
  • Brentford  (Marti) – February 3

Tottenham Hotspur – 5aad (30 dhibcood)

  • Nottingham Forest  (Marti) – December 15
  • Everton  (Minan) – December 23
  • Brighton & Hove Albion  (Marti) – December 28
  • Bournemouth  (Minan) – December 31
  • Manchester United  (Marti) – January 14
  • Brentford  (Minan) – January 30

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga