DEG-DEG: Kylian Mbappe Oo Go’aankii Laga Sugayey Ka Gaadhay Mustalkiisa + Midka Murugaysan Real Madrid & PSG

Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa ugu dambayntii gaadhay go’aankii laga sugayay ee mustaqbalkiisa, waxaana uu soo afjarayaa waqtigiisii horyaalka Ligue 1 ee uu ka ciyaarayay tan iyo yaraantiisii ee uu iskaga gudbay AS Monaco oo ahayd naadigii uu kasoo baxay iyo PSG oo uu lix sannadood u ciyaarayay.

Kylian Mbappe oo qandaraaskiisa PSG uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan ayaa waxa uu go’aansaday in uu si xor ah ugu biiro Real Madrid dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana uu go’aankiisa ku wargelinayaa labada kooxoodba bisha January ee foodda inagu soo haysa.

Wariyaha Spanishka ah ee Tomas Gonzalez-Martin, ayaa sheegay, in Mbappe uu go’aankiisa mar horeba gaadhay oo dhowaan heshiis hordhac ah ay isla meel-dhigi doonaan Real Madrid, balse uu ku dedaali doono in sida ugu fiican ee ugu suurtogalsan uu ula dhamaysto PSG inta ka hadhay xilli-ciyaareedka.

Tomas Gonzalez-Martin waxa uu intaa ku daray, in qareennada Kylian Mbappe ay haddaba eegayaan sida ay u kala bixi doonaan laacibkan iyo kooxdiisa PSG, sidoo kalena ay bisha January daraasayn doonaan heshiiska Real Madrid.

Delphine Verheiden oo ah qareenka Mbappe ayaa la sheegay in uu qayb ka noqon doono wada-hadallada laacibkan uu la geli doono Real Madrid, isla markaana uu meteli doono waqtiyada qaarkood si uu u xoojiyo Fayza Lamari oo ah hooyada Mbappe ahna wakiilkiisa.

Arrintan ayaa waxa ay niyad-jab ku tahay kooxda reer France ee Kylian Mbappe oo si xor ah ku luminaysa xiddigeeda ugu wanaagsan, kaas oo hore u diiday inuu dhaqangeliyo sannad saddexaad oo ku jiray qandaraas laba sannadood ahaa oo uu laacibkani saxeexay bishii May ee sannadkii hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga