Waxaa soo baxaya warar cusub oo ku saabsan mustaqbalka xiddigo dhowr ah oo ka ciyaara kooxaha waaweyn ee Yurub, iyadoo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo uu durba bilaabay inuu yeesho xiiso gaar ah.
Federico Chiesa ayaa wajahaya hubanti la’aan ku saabsan mustaqbalkiisa Liverpool, halka Jadon Sancho uu dib ugu laaban karo Premier League. Dhanka kale, AC Milan ayaa qorsheynaysa inay amaah ku hesho xiddiga da’da yar ee Real Madrid Endrick.
Sidoo kale, Manchester United ayaa wali xiisaynaysa ciyaaryahan da’yar oo Leicester City ah, Manchester City-na waxay isha ku haysaa Alex Baena, halka Liverpool iyo Manchester United ay labaduba xiisaynayaan garabka Wolves ee Matheus Mane.
Federico Chiesa ayaa laga yaabaa inuu ka tago Liverpool bisha Janaayo haddii uusan helin fursado badan oo uu ku ciyaaro marka uu kasoo laabto dhaawaca.
Weeraryahanka xulka Talyaaniga oo 28 jir ah ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu raadiyo koox cusub haddii uu ku qanci waayo doorkiisa Liverpool.
Xigasho: Football Insider
🔴 Jadon Sancho oo laga yaabo inuu Premier League kusoo laabto
Garabka hore ee Manchester United iyo xulka England, Jadon Sancho, ayaa wadahadallo kula jira ugu yaraan laba kooxood oo Premier League ah.
Sancho oo 26 jir ah ayaa laga yaabaa inuu dib ugu soo laabto horyaalka England, iyadoo mustaqbalkiisa kooxeed uu weli yahay mid aan si rasmi ah loo go’aamin.
Xigasho: Teamtalk
🇮🇹 AC Milan oo doonaysa Endrick
Kooxda AC Milan ayaa qorsheynaysa inay bisha Janaayo dalab amaah ah ka gudbiso Endrick, xiddiga reer Brazil ee u ciyaara Real Madrid.
Endrick oo 20 jir ah ayaa soo jiitay xiisaha kooxda reer Talyaani, waxaana Milan ay dooneysaa inay Real Madrid kala xaajooto heshiis amaah ah.
Xigasho: Calciomercato
🔴 Manchester United oo wali xiisaynaysa Louis Page
Manchester United ayaa wali doonaysa inay la soo wareegto Louis Page, khadka dhexe ee Leicester City oo 18 jir ah.
United ayaa horay ugu guuldarreysatay inay heshiis la gaarto ciyaaryahanka maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga, balse xiisaha ay u qabto xiddiga da’da yar wali ma dhammaan.
Xigasho: ESPN
🔵 Manchester City oo isha ku haysa Alex Baena
Manchester City ayaa si dhow ula socota xaaladda Alex Baena, khadka dhexe ee Atletico Madrid iyo xulka Spain.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sheegay in City aysan u badneyn inay bisha Janaayo dalab ka gudbiso ciyaaryahanka 25 jirka ah.
Xigasho: Football Insider
🔴 Liverpool iyo Manchester United oo isku haya Matheus Mane
Liverpool iyo Manchester United ayaa xiriir toos ah la sameeyay Wolves, iyagoo ka wada hadlay sidii ay u heli lahaayeen garabka reer Portugal ee da’da yar Matheus Mane.
Mane oo 18 jir ah ayaa kamid ah ciyaartoyda da’da yar ee sida weyn loo qiimeeyo, waxaana labada kooxood ay doonayaan inay mustaqbalkiisa ka faa’iideystaan.
Xigasho: Ekrem Konur
🔴 Arsenal oo xiisaynaysa Kevin Schade
Brentford ayaa bilaawday wadahadallo ku saabsan heshiis cusub oo ay la gasho weeraryahanka reer Germany Kevin Schade, iyadoo doonaysa inay ka hor istaagto xiisaha Arsenal.
Schade oo 24 jir ah ayaa la rumeysan yahay inuu bartilmaameed u yahay Arsenal, taasoo keentay in Brentford ay isku daydo inay sii haysato ciyaaryahankeeda.
Xigasho: Teamtalk
🔴 Manchester United oo lasoo wareegtay Isaac Konde
Manchester United ayaa dhammeystirtay heshiis ay kula soo wareegtay Isaac Konde, oo ah khadka dhexe oo 16 jir ah kana tirsanaa Liverpool.
Sida uu sheegay Fabrizio Romano, heshiiska ciyaaryahanka da’da yar ayaa hadda la dhammeystiray, waxaana Konde uu mustaqbalkiisa kusii wadan doonaa Manchester United.
Xigasho: Fabrizio Romano
Be the first to comment