Man United Oo Doonaysa In Ay Ka Fogaato Rikoodh Ay Crystal Palace Ku Dhigto Premier League.

Crystal Palace ayaa doonaysa in ay dhamaystirto laba guul oo horyaalka ah oo ay ka gaadho Man United marka ay la ciyaarayso kooxda kulan ka tirsan horyaalka kana dhici doona garoonka Selhurst Park habeenka isniinta.

Eagles ayaa guul 1-0 ah ku gaadhay Old Trafford Premier League bishii Sebtembar, iyadoo Joachim Andersen uu dhaliyay goolka kaliya ee kulanka ka dhacay Manchester.

Palace ayaa haatan dooneysa inay dhameystirto labo guul oo ay ka gaadho Man United.

Man United ayaa hogaaminaysa natiijada fool-ka foolka h iyaga oo badiyay 41 kulan.

Guulaha Palace ka gaadhay United ayaa yimid sanadihii u dambeeyay iyaga oo badiyay 4 kulan 10-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada  oo dhan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga