Tababaraha Feyenoord Arne Slot ayaa wali kalsooni ku qaba in heshiis la dhamaystiri doono si uu u noqdo tababaraha cusub ee Liverpool inkasta oo uu qirtay in aan wali waxba la xaqiijin.
Liverpool ayaa u muuqata mid galaysa heerkii ugu dambeeyay ee magacaabista tababaraha badali doona Jurgen Klopp marka uu kooxda macsalaameeyo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Liverpool ay heshiis la gaartay Feyenoord oo ku saabsan xirmo magdhow ah oo gaaraya 9.4 milyan si ay u hesho saxiixiisa tababaraha.
Inkastoo magacaabistiisa ay ka dhimantahay kaliya Wakhti Uun Slot ayaa hoos u dhigay fikradda ah in labada naadi ay mar hore soo gabagabeeyeen heshiis.
“Weli wax si rasmi ah looma xaqiijin,” Slot ayaa u sheegay warbaahinta Nederlaand jimcaha shir ka hor ciyaarta ay la yeelanayaan PEC Zwolle.
“Waxaan halkan fadhiyaa iyada oo calaamadda Feyenoord ay ku dheggan tahay laabta, marka mabda’a ahaan ujeedku waa in ay ku saabsan tahay Feyenoord. Horaan u sheegay in aan ku kalsoonahay in heshiis la gaadho doono, Ma garanayo goorta ay taasi noqon doonto. Laakiin waxaan filayaa in heshiis la gaari doono”.
“Wali lama xaqiijin heshiiska mana doonayo in Aan ka hadlo arimahaas Sabab la xidhiidha ixtiraam aan u hayo kooxda aan hada joogo iyo waliba kooxda Liverpool”.
Be the first to comment