Man United Oo Dirqi Isaga Xaadirisay Final-ka FA Cup-ka, Man City Ayay Balansadeen.

Kooxda Man United ayaa iska xaadirisay Final-ka FA Cup-ka kadib kulan xiiso lahaa oo ay la ciyaartay Coventry City kulan ka dhacay Wembley.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Man United k bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal wakhti hore ah.

Mn United ayaa ku fiicnayd dhinaca maamulista ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa kooxda Covntery City kuwaas oo ciyaaryay weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadii 23-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Scott McTominay kaas oo ciyaarta hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Man United ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayso in ay ku dhaliso goolal kale iyaga oo si joogto ah fursadaha u samaynaya.

Daqiiqadii 45-aad ayay Man United dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Harry Maguire kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man United u muuqato kuwo meel cidlo ah marayso.

Qaybtii dambe ayay United ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dilaan ciyaarta.

Daqiiqadii 58-aad ayay Man United dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Cid walba waxa ay filaysay in ay Man United si xarago leh isaga xaadiriso Final-ka laakiin taasi ma dhicin.

Kooxda Coventry ayaa daqiiqadii 71-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ellis Simms kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Coventry City ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 79-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Callum O’Hare kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/3.

Kooxda Mucjisada ee Coventry ayaa daqiiqadii 90+5-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Haji Wright kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/3.

Ciyaarta ayaa lagu daray 30 daqiiqo si ay u kala baxaan labada kooxood maadama midkood la doonayo in ay gaadho final-ka tartanka.

Kooxda Coventry ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay dhalisay gool taas oo adduunka ka yaabin gaadhay laakiin Goolka ayaa la diiday sabab la xidhiidha offside.

Waxa la isla aaday rikoodhayaal ama gool ku laad waxana ay guushu raacday kooxda Man United oo ka badbaaday lama filaan waxana ay balansadeen kooxda ay jaarka yihiin ee Man City.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga