DEG-DEG: Mauricio Pochettino Oo Xaqiijiyay Dhaawaca Chris Nkunku

Tababaraha Kooxda Chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa xaqiijiyay dhaawac cusub oo soo gaadhay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdiisa ee Chris Nkunku.

Xiddiga Chris Nkunku ayaa badal ku soo galay qaybtii dambe ee final-kii tartanka Carabao cup-ka ee ay la ciyaarayeen kooxda Liverpool.

Xiddiga Chris Nkunku ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya ciyaaray 9 kulan tartamada oo dhan.

“Waxaan maqalnay shalay in Chris Nkunku uu dhaawacmay, laakiin ma garanayno goorta uu dhaawacmay”ayuu Pochettino yidhi.

“Waxa uu marayaa qiimeyn caafimaad”.

“Waqtigan xaadirka ah, saddex iyo afar toddobaad ayuu Nkunku maqnaan doonaa”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga