
Manchester City ayaa isha ku haysa inay jabiso rikoorka qarniga ah marka ay Etihad Stadium ku soo dhaweeyaan Wolverhampton Wanderers kulan ka tirsan Premier League fiidnimada Sabtida.
Kooxda man City ayaa Isha Ku Haysa ku guulaysiga horyaalkii 4-aad oo xidhiidh ah premier protein xilli ciyaareedkan.
Man City ayaa ku hubaysan guulo muhiim ah Oo ay ka Gaadhay kooxaha Brighton iyo Nottingham Forest kulamadii ugu dambeeyay.
Ka dib markii ay seddex kulan oo xiriir ah ku ciyaareen meel ka baxsan Etihad, Man City ayaa Garoonkeeda ku Soo laaban doonta todobaadkan.
Kooxda Man City ayaan looga badin garoonkeeda 42 kulan Oo xidhiidh ah iyaga Oo badiyay 36 kulanka Halka ay bar-baro galeen 6 kale.
Man City ayaa badisay 22 kulan Oo premier league ah wakhtigaas iyaga Oo dhaliyay 65 gool.
Hadii City ay ka fogaato guuldarada ka soo gaarta Wolves sabtida, waxa ay jabin doontaa rikoorka guuldaro la’aanta ee taariikhda Oo la dhigay intii u dhexaysay December 1919 iyo November 1921.
Be the first to comment