Man City Oo Garaacday Tottenham Hal Gacana Ku Dhigtay Premier League

Kooxda Man City ayaa guul muhiim ah ka Gaadhay kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa horyaalka premier league.

Kulanka ayaa ku Bilowday si taxadar leh iyada Oo koox Walba is ilaalinayaan.

Man City ayaa maamulaysay ciyaarta iyada Oo Tottenham ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah ciyaaraysay.

Labada Kooxood ayaa ku kala baxay bar-baro gool la’aan ah Oo ay labada kooxood ku kala bexeen.

Qaybta dambe ayay Man city ku bilaabatay ciyaarta si dar-dar leh iyaga Oo raadinayay goolal.

Daqiiqdii 51-aad ayay Man City heshay goolka waxana u dhaliyay xiddiga Erling Haaland kaas Oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Man City ayaa wixii intaas ka dambeeyay daafac gashay iyada Oo Tottenham ahayd kooxda halista badan.

Tottenham ayaa Marar badan ku dhawaatay in ay dhaliso goolal.

Daqiiqdii 89-aad ayay Man city heshay Rikoodhe waxana u dhaliyay xiddiga Erling Haaland kaas Oo ciyaarta ka dhigay 2/0

Wax sidaas ku dhamaantay ciyaarta Oo ay Man City si fudud ku badisay si buuxdana ula wareegtay hogaanka horyaalka premier league.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga