Laacibkii Ceeboobay, Xiddigii Garoonka Ee Waqtiga Dambe La Go’aamiyey Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Man City vs Tottenham

Gool uu daqiiqaddii 90aad dhaliyey Dejan Kulusevski ayaa Tottenham ka caawiyey in ay barbarro 3-3 ah ku qabato Manchester City oo ay ku booqatay Etihad Stadium, iyadoo labada naadi ay si is-daba joog ah iskugu jawaabayeen.

Jack Grealish ayaa u muuqanayay in uu guul gacanta u geliyey Man City markii uu dhaliyey gool daqiiqaddii 80aad, laakiin Kulusevski ayaa xaday hadal-haynta ciyaarta oo labada kooxood ku heshiisiiyey inay dhibcaha wadaagaan.

Heung-Min Son ayaa labada kooxoodba min hal gool u dhaliyey daqiiqadihii lixaad iyo sagaalaad, waxaana ku xigay Foden oo Man City gool labaad u keenay, ka hor intii aanu Lo Celso barbarraha ka dhigin ciyaarta ee aanay fursadda ugu dambaysa helin Grealish iyo Kulusevski.

Laacibkii ceeboobay

Difaaca reer Switzerland ee Manuel Akanji ayay u ahayd maalin xun oo uu waayey bandhiggii fiicnaa ee looga bartay, waxaana uu ogolaaday in weeraryahannada Tottenham ay si fudud shabaqiisa ugu weydaaran karaan.

Marka la isku daro ciyaartoyda labada kooxood, Manuel Akanji ayaa ahaa ciyaartoyga ugu liitay ee qiimaynta ugu xun ka helay garoonka, waxaana kaliya la wadaagayay Bissouma oo Tottenham ah oo sameeyey qalad sabab u noqday goolkii saddexaad ee Man City ay dhalisay.

Xiddigii garoonka

Dejan Kulusevski oo dhaliyey goolka barbarraha daqiiqaddii 90aad, sidoo kalena caawiyey goolka koowaad ee uu dhaliyey Heung-Min Son oo uu u tuuray kubbad dheer oo uu shabaqa ku hubsaday xiddiga reer South Korea, ayaa noqday ciyaartoygii ugu fiicnaa garoonka.

Waxay qiimaynta ka sinnaayeen toddoba ciyaartoy oo kale oo labada kooxoodba ah, laakiin labada gool ee uu qaybta ka qaatay ayaa u go’aamiyey xiddignimada garoonka.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Man City: Ederson (6), Walker (6), Akanji (5), Dias (6), Gvardiol (6), Rodri (6), Silva (6), Foden (7), Doku (6), Alvarez (6), Haaland (6).

Beddelka: Grealish (7), Lewis (6), Ake (n/a), Kovacic (n/a).

Tottenham: Vicario (6), Porro (6), Royal (6), Davies (7), Udogie (6), Bissouma (5), Lo Celso (7), Kulusevski (7), Gil (6), Son (7), Johnson (7).

Beddelka: Hojbjerg (7), Skipp (6), Richarlison (n/a), Donley (n/a).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga