Lunin Mise Courtois? Ancelotti Oo Magacaabay Goolhayaha Ku Bilaaban Doona Shaxda Kooxdiisa Kulanka Bayern

Tababaraha kooxda Real Madrid ayaa shaaciyay Goolhayaha ku bilaaban doona kulanka ay Kooxdiisu la Ciyaari Doonto Bayern Munich.

Real Madrid ayaa Marti galin doonta Bayern Munich kulan ka tirsan lugta 2-aad ee Semi-final champions league.

Ancelotti ayaa shirkiisa jaraa’id ku yiri: “Lunin waa kan ciyaari doona berri, Courtois wuxuu weli u baahan yahay waqti si uu 100% diyaar u noqdo.”

Waxa uu intaa ku daray: “Ciyaarta beri waa kulanka ugu weyn labada kooxood waa In Aan u ciyaarnaa sida ugu Fiican, waxa aan la kulmi Doonaa dhibaato weyn sidii kulankii hore laakiin waxa aan isku dayi Doonaa in Aan noqono kuwa ugu Fiican”.

Labada kooxood ayaa u baahan in ay badiyaan si ay u gaadhaan Final-ka Champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga