Luka Modric Oo Dib Ugu Soo Laabtay Real Madrid Xilli Ay Hoggaanka Ku Naalloonayaan

Real Madrid ayaa war farxadleh ka heshay xiddigaha dhaawaca kaga maqan, waxaana dib ugu soo laabtay tababarka khadka dhexe ee Luka Modric oo diyaar u ah kulanka adag ee horyaalka LaLiga ee Real Betis.

Luka Modric ayaa ka maqnaa labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Napoli iyo Granada, balse maanta ayaa uu iska soo xaadiriyey garoonka tababarka ee Valdebebas.

Real Madrid oo ay ka dhaawacan yihiin dersin ciyaartooyo ah sida Eduardo Camavinga, Aurelien Tchouameni, Vinicius Junior, Dani Carvajal, Eder Militao iyo Thibaut Courtois, ayaa waxa soo laabashada Real Madrid ay ka fudaydinaysaa culayska kala xulashada, iyadoo sidoo kalena uu naadigaas kusoo laabtay Kepa Arrizabalaga oo isaguna ka maqnaa laba ciyaarood.

Carlo Ancelotti ayaa hore usii sheegay in Luka Modric uu taam u noqonayo kulanka Real Betis, waxaana haddii dhakhaatiirtu ku qancaan taam ahaanshihiisa uu Ancelotti ka fiirsan doonaa inuu nasiyo Federico Valverde iyo Toni Kroos oo si joogto ah ugu soo bilaabanayay kulamadii ugu dambeeyey.

Los Blancos ayaa marka ay Sabtida la ciyaarto Real Beris waxay isku diyaarin doontaa safar ay ugu tegayso Union Berlin ciyaarta ugu dambaysa wareegga group-yada Champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga