CAJIIB: Mohamed Salah Oo Taageerayaasha Premier League Xasuusiyay Rooney & Henry

Xiddiga Mohamed Salah ayaa wacdaro kula soo laabtay Liverpool kadib markii uu ku soo laabtay shaxda Kooxda Liverpool.

Salah ayaa badal ku soo galay qaybtii hore ee ciyaarta isaga oo badalay xiddiga Diogo Jota.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa dhaliyay gool mid kalena caawiye ka noqday isaga oo guul ku hogaamiyay kooxdiisa Liverpool.

Kadib goolkaas iyo caawintaas Mohamed Salah ayaa sameeyay taariikh kadib markii uu qabtay shaqo ay qabteen halyeeyo premier League.

Xiddiga Salah ayaa dhaliyay ama caawiyay gool 30 kulan oo kala duwan horyaalka premier League.

Kaliya Wayne Rooney (36), Thierry Henry (32) & Alan Shearer (31) ayaa ah xiddigaha kaga badan Salah rikoodhkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga