Warbaahinta Spain ayaa shaacisay in kooxda Liverpool ay waddo dhaq-dhaqaaqyo ay ku dooneyso inay xog uga hesho tababaraha reer Spain Xabi Alonso, iyadoo kooxda Ingiriiska ay ka fiirsaneyso dhowr ikhtiyaar ka hor inta aysan go’aan ka gaarin tababaraha kooxda wajiga soo socda.
Sida uu qoray wargeyska Spanish-ka ah ee “AS”, magaca Xabi Alonso ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay lala xiriirinayay suurtagalnimada inuu tababare u noqdo Liverpool, iyadoo sidoo kale ay xiiseynayaan Chelsea, balse maamulka kooxda Ingiriiska ayaa wali qiimeynaya dhammaan faahfaahinta la xiriirta tababaraha reer Spain.
Warbixintu waxay sheegtay in Liverpool ay dareemeyso niyad jab kadib xilli ciyaareedka hadda socda ee uu hoggaaminayo tababare Arne Slot, inkastoo kooxda ay suuqii xagaaga ku bixisay lacag dhan 450 milyan oo euro, haddana aysan gaarin natiijooyinkii laga filayay.
Isha wararku waxay sheegtay in qaar ka mid ah shaqsiyaadka gudaha kooxda Ingiriiska ay taageersan yihiin fikradda ah in la soo magacaabo Alonso, gaar ahaan kadib markii heerka ciyaarta kooxda uu hoos u dhacay intii lagu jiray xilli ciyaareedka, iyadoo magaciisa marar badan loo soo qaaday musharraxnimada jagada tababarenimo.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in maamulka Liverpool uu bilaabay xiriirro kala duwan si ay u helaan xog sax ah oo ku saabsan musharraxiinta suuragalka ah, waxaana ka mid ahaa inay la xiriiraan maamulka Real Madrid si ay wax uga ogaadaan khibradda iyo shaqada Xabi Alonso gudaha kooxda.
Isha ayaa xaqiijisay in xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Real Madrid iyo Liverpool uu fududeeyay wada xiriirkan, inkastoo ay hore u jireen xiisado u dhexeeyay labada kooxood oo ku saabsanaa arrinta Trent Alexander-Arnold.
Warbixintu waxay xustay in maamulka Liverpool uusan wali gaarin go’aan kama dambeys ah, iyadoo magaca Xabi Alonso uu wali ku jiro liiska musharraxiinta loo soo jeediyay inay la wareegaan tababarka kooxda muddada soo socota.
Be the first to comment