Liverpool Oo Ka Wal-Walsan Xaalada Diogo Jota.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa daaha ka qaaday arrimo cusub oo ku saabsan dhaawaca Diogo Jota.

weeraryahanka Liverpool iyo xulka qaranka Portugal.

Jota ayaa shalay dhaawac ka soo gaaray kulankii Liverpool ee ay la ciyaareen Brentford, ciyaartii ku dhamaatay 4/1 kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Liverpool ayaa ku jirta kaalinta 1-aad ee kala saraynta horyaalka Ingiriiska iyada oo leh 57 dhibcood.

Wargeyska “Daily Mirror” ee dalka England ayaa sheegay in Diogo Jota uu shalay maray baaritaan caafimaad kadib markii uu dhaawac jilibka ah kasoo gaaray kulankii Brentford.

Waxay intaa ku dartay inay jirto cabsi laga qabo in Diogo Jota uu dhaawac ka soo gaaray jilibka dambe.

Maalmo ka hor, weeraryahanka reer Portugal ayaa loo caleemo saaray ciyaaryahankii ugu fiicnaa Premier League bishii January horyaalka Premier League.

Xilli ciyaareedkan, Jota ayaa 14 gool ka dhaliyay Liverpool tartamada oo dhan, waxaana uu caawiyay 4 gool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga