XOG YAAB LEH: Goorma Ayay Ahayd Markii Ugu Dambaysay Ee Ay Arsenal Badiso Kulan Bug Bax Ah Champions League?

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro kala soo laabatay Portugal iyaga oo guuldaro lama filaan ah kala kulmay kooxda Fc Porto.

Maxan u leeyahay Lama filaan? marka la eego qaab ciyaareedka Arsenal oo ay 2 kulan oo kaliya ku dhalisay 11 gool waxa ay noqotay lama filaan.

Kooxda Arsenal ayaa si weyn ugu dhibataootay kulankii Fc Porto iyaga oo aan xitaa tijaabin Goolhayaha kooxda Fc Porto.

Arsenal ayaa si weyn ugu dhibaatoota kulamada bug baxa tartanka champions League sanadihii ugu dambeeyay.

Markii ugu dambeeyay ee ay Arsenal badisay kulan ka tirsan wareega bug baxa tartanka champions League ayaa ahayd sanadkii 2015.

Kooxda Arsenal ayaa sanadkii 2015 ka badisay kooxda Monaco kulan ka tirsanaa wareega Bug baxa waxana ay ahayd markii ugu dambaysay ee ay sidaas samayso kulamada bug baxa champions League

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga