Liverpool Oo Guul Wakhtiga Dhimashada Ka Gaadhay Everton.

Kooxda Liverpool FC ayaa guul qiimo leh kala soo laabatay garoonka Everton FC kadib markii ay ku garaacday 2-1, kulan ka tirsanaa wareegga 33-aad ee horyaalka Premier League, kaas oo lagu ciyaaray garoonka Hill Dickinson Stadium.

Guushan kadib, Liverpool waxay kor u qaaday dhibcaheeda ilaa 55, iyagoo galay kaalinta shanaad, halka Everton ay ku hartay 47 dhibcood oo ku jirta kaalinta tobnaad.

Ciyaarta waxaa lagu diiday gool ay Everton dhalisay daqiiqaddii 27-aad oo uu saxiixay Iliman Ndiaye, kadib markii VAR uu cadeeyay inuu ahaa offside.

Laba daqiiqo kadib, Mohamed Salah ayaa Liverpool u dhaliyay goolka hoggaanka daqiiqaddii 29-aad, isagoo ka faa’iideystay baas fiican oo ka yimid Cody Gakpo.

Qaybtii labaad, Everton waxay barbaro keentay daqiiqaddii 54-aad, kadib gool uu dhaliyay Beto oo ka helay caawin uu bixiyay Hall.

Si kastaba ha ahaatee, Virgil van Dijk ayaa go’aamiyay natiijada ciyaarta isagoo Liverpool u dhaliyay gool guul ah daqiiqaddii 90+10.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga