Liverpool Mise Bayern Munich? Xabi Alonso Oo Doortay Kooxda Uu Doonayo In Uu Hogaamiyo

Tababaraha da’da yar ee reer Spain Xabi Alonso ayaa qaab ciyaareed fiican la qaadanaya kooxda uu haatan hogaamiyo ee Bayer Leverkusen ee horyaalka Germany xilli ciyaareedkan waxana uu soo jiitay xiisaha kooxaha Bayern Munich iyo Liverpool.

Bayern Munich iyo Liverpool ayaa u baahan doona tababare cusub dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu dhamaaday xiriirkii ay la lahaayeen tababarayaasha Thomas Tuchel iyo Jurgen Klopp.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee Daily Mail oo soo xiganaya Sky Germany, Alonso waxa uu door bidayaa in uu tababare u noqdo Bayern Munich halkii uu tababare u noqon lahaa Liverpool.

Suxufiga lagu kalsoon yahay ee Florian Plattenberg ayaa shaaca ka qaaday macluumaad xaqiijinaya in Alonso uu aad ugu janjeero fikradda ah inuu farsamo ahaan ku hogaamiyo kooxda Bavarian.

 

Warbixinta ayaa tilmaamtay in Alonso ay ka go’an tahay inuu sii joogo Leverkusen ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan, kooxda ayaana ku hogaamineysa horyaalka Jarmalka 58 dhibcood, iyadoo 8 dhibcood ka hooseysa kooxda labaad ee Bayern Munich.

 

Alonso waxa uu Liverpool la soo ciyaaray intii u dhaxaysay 2004 ilaa 2009, waxaanu mudadaas u saftay Reds 210 kulan tartamada oo dhan isaga oo u dhaliyay 18 Gool Halka uu caawiyay 20 kale.

Dhanka Bayern Munich, waxa uu ciyaaray intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2017, waxaanu mudadaas ciyaaray 117 kulan tartamada oo dhan, waxa uu u dhaliyay 9 gool iyo

12 gool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga