Chelsea Oo Ku Qasbaan Karta In Ay Iibiso Xiddigo Hadii Ay Ku Guulaysato Carabao Cup

Chelsea ayaa lagu qasbi karaa inay iska iibiso seddex ciyaaryahan hadii ay ku guuleystaan ​​Carabao Cup.

Chelsea ayaa Axada la ciyaari doonta Liverpool finalka Carabao Cup, iyadoo Mauricio Pochettino uu doonayo inuu ku guuleysto koobkiisii ​​ugu horeeyay isagoo ah tababaraha Chelsea.

Chelsea ayaa wax ka badan 1 bilyan ku qarashgareysay ciyaartoy cusub tan iyo markii Todd Boehly iyo Clearlake Capital ay la wareegeen kooxda bishii May 2022, cadaadiskuna wuxuu saaran yahay inuu qaado koob.

Waxa ay ka horimaan doonaan kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool, kuwaas oo u tartamaya 4 koob xilli ciyaareedkan, halka ay sidoo kale isha ku hayaan inay ku guuleystaan ​​​​koobkii tobnaad ee Carabao Cup.

Haddii Chelsea ay chelsea qarxiso lama filaan isla markaas ku guulaysato koobka waxa ay ku qasbanaan doonaan in ay iibiyaan 3 ka mid ah da’yarka Akademiyada.

Haddii Chelsea ay badiso Axadda waxay u soo bixi doontaa Europa Conference League xilli ciyaareedka soo socda sidaas darteed waa inay u hoggaansamaan shuruucda shahaadiga ee UEFA iyo joogteynta maaliyadeed (FSR), sharciyadii beddelay FFP 2022.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga