Erik ten Hag Oo Magacaabay 3 Xiddig Oo Man United Ah Oo Buuxin kara Goolasha Rasmus Hojlund.

Tababaraha Man United Erik Ten Hag ayaa sheegay in dhaawaca Rasmus Hojlund ayna dhaawici doonin xilli ciyaareedka Man United.

Ten Hag ayaa sheegay in Alejandro Garnacho, Bruno Fernandes & Scott McTominay ay buuxin doonaan goolasha xiddigu u baneeyay Man United.

Hojlund ayaa ku jiray qaab ciyaareed cajiib ah sanadkan isaga oo dhaliyay goolal badan oo muhiim u ah kooxdiisa.

Laakiin xiddiga ayaa dhaawacmay kulankii ugu dambeeyay waxana uu garoomada ka maqnaan doonaa ugu yaraan 3 todobaad.

Ten Hag ayaa sheegay in ay jiraan xiddigo buuxin kara goolasha Hojlund inta uu dhaawaca ku maqan yahay.

“Garnacho waxa uu dhalinayaa goolal badan, Rashford wuu awoodaa sidaas darteed xiddigaha weerarku waa kuwo halis ah”.

” Scott McTominay. Bruno Fernandes ayaa sidoo kale dhalin kara goolal”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga