Barcelona Oo Garoonkeeda Ku Garaacday Atletico Madrid Iyo Joao Felix Oo Ka Aarsaday Simeone

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa 1-0 ku garaacday Atletico Madrid oo marti u ahayd, kulan uu Robert Lewandowski fursadihii ugu badnaa khasaariyey balse uu Joao Felix ka aargoostay tababare Diego Simeone isla markaana si weyn ugu dabbaal-degay.

Gool madi ah oo qaybtii hore uu Joao Felix u dhaliyey Barcelona oo noqotay mindi bilaa af ah, ayaa go’aamiyey natiijada ciyaarta oo saddexda dhibcood jeebadda ugu shubay Barcelona, halka Atletico Madrid oo la moodayey inay ciyaar saaxiibtinimo dheelayso ay qalbi-jab dib ugu laabatay magaalada Madrid.

Barcelona oo u qalmaysay guushan, waxay heshay fursado badan oo intooda badan uu ka khasaariyey Robert Lewandowski oo u muuqanayay inuu illoobay sidii goolasha loo dhalinayay.

Daqiiqaddii saddexaad ee bilowga ciyaarta ayaa baas uu Koke bixiyey waxa dhaxda ka qabsaday Joao Felix oo usii gudbiyey Lewandowski oo si dheeli ka muuqdo lugta bidix ugu toogtay, laakiin waxa isku dhigay Hermoso oo soo difaacay, halka waxyar kaddibna uu Raphinha soo dumiyey dhinaca midig ee difaaca Atletico oo kubadda uu weydaariyey goolhaye Oblak laakiin uu waayey cid ku taabta.

Fursaddii ugu fiicnayd ee Atletico Madrid soo martay bilowgii waxa lumiyey Molina iyo Llorient oo cidhidhib iskugu dhiibay, taas oo uu badbaadiyey goolhaye Pena ka hor intii aanu Araujo kubadda ka saarin.

Daqiiqaddii 28aad ayay Barcelona hoggaanka ciyaarta ku qabatay gool qurux badan oo uu u dhaliyey Joao Felix oo baas qurux badan ka helay Raphinha oo shaqo badan ka hayey dhinaca midig, waxaanu Felix ka dul-qaaday goolhaye Oblack oo uu shabaqa u weydaariyey.

Xiddiga reer Portugal ayaa si weyn ugu dabbaal-degay goolka uu ka dhaliyey kooxdiisa rasmiga ah ee uu amaahda kaga yimid xagaagii, waxaana uu ku istaagay birta xayaysiiska isaga oo gacmihiisa kala bixiyey, kaddibna muujiyey astaan guuleed oo u muuqanaysay inuu ka aargoosanayo tababare Diego Simeone oo ay isku dhaceen.

Raphinha ayaa mar kale uu nasiibku diiday qaybta labaad markii ay Pedri wada-ciyaareen kubbad isku-taabasho ah, waxaana uu kubadda lasoo galay xerada ganaaxa, kaddibna waxa uu dhaafiyey Oblak, balse nasiib-darro waxay kaga dhacday birta.

Fursado fiican oo kale waxa lumiyey Lewandowski iyo Felix, hase yeeshee waxay Barcelona u baahatay goolhaye Inaki Pena in uu badbaadiyo laad xor ah oo uu ku toogtay Memphis Depay, taas oo uu ku leexiyey dhinaca birta kaddibna sidaa ku badbaadiyey.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Barcelona ay yeelatay 34 dhibcood oo ay soo gashay kaalinta saddexaad, waxaanay afar dhibcood ka dambaysaa Real Madrid iyo Girona oo hoggaanka wada-jir ugu haya 38 dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga