ISBARBAR-DHIG: Min LIXDA Ciyaarood Ee Premier League Ee Kusoo Socda Arsenal, City, Liverpool, Newcastle Iyo Tottenham

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa la ciyaaray min 13 kulan, waxaana hoggaanka ku naalloonaysa Arsenal oo kali ku noqotay usbuucii hore, iyadoo toddobaadkanna markii labaad la dheeli doono oo loo diiday ciyaartoydu inay wax nasasho ah helaan.

Arsenal ayaa ka faa’iidaysatay saddex ciyaarood oo isku xigay oo ay Manchester City dhibco lumisay, waxaana ay hadda haystaan 33 dhibcood iyadoo Liverpool soo cidhiidhsatay kaalinta labaad oo ay laba dhibcood ka hoosayso Arsenal.

Manchester City ayaa dhibaatoonaysay kulamadii ugu dambeeyey, waxaanay barbarro gashay saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo ay Tottenham, Liverpool iyo Chelsea dhibco ku lumisay, waxaanay saddex dhibcood ka dambeeyaan Arsenal iyagoo 30 dhibcood haysta.

Ka hor kulamada horyaalka Premier League ee usbuuc-dhamaadkan, waxa aanu idiin soo gudbinaynaa lixda ciyaarood ee Premier League ee kusoo aaddan kooxaha figta sare ku dagaallamaya, waxaana qiimaynta kooxaha dhibaatada badan mari doona aanu u dhaafi doonaa adiga warkan akhrisanaya, waxaanad qiimayntaada nagula wadaagtaa halka hoose ee farriinta dadweynaha.

Labada kooxood ee ugu sarreeya miiska kala-sarraynta ee Arsenal iyo Liverpool ay is-arki doona saddex ciyaarood kaddib, waxaana halkaas fursad ka dhax raadsan doonta Manchester City si ay u dhaafo, halka City ay sugayso Newcastle ciyaarta lixaad.

Halkan kaga bogo min lixda ciyaarood ee Premier League ee ugu soo horreeya kooxaha safka hore

1. Arsenal (33 dhibcood) 

Luton Town (Marti)- December 5

Aston Villa (Marti)- December 9

Brighton (Minan) – December 17

Liverpool (Marti)- December 23

West Ham (Minan) – December 28

Fulham (Marti)- December 31

2. Liverpool (31Dhibcood) 

Sheffield United (Marti)- December 6

Crystal Palace (Marti)- December 9

Manchester United (Minan) – December 17

Arsenal (Minan) – December 23

Burnley (Marti)- December 23

Newcastle – January 1 (H):

3. Manchester City (30 dhibcood) 

Aston Villa (Marti)- December 6

Luton Town (Marti)- December 10

Crystal Palace (Minan) – December 16

Everton (Marti)- December 27

Sheffield United (Minan) – December 30

Newcastle (Marti)- January 13

4. Aston Villa (29 dhibcood) 

Man City (Minan) – December 6

Arsenal (Minan) – December 9

Brentford (Marti)- December 17

Sheffield United (Minan) – December 22

Manchester United (Marti)- December 26

Burnley (Minan) – December 30

5. Tottenham (27 dhibcood) 

West Ham (Minan) – Thursday, December 7

Newcastle (Minan) – Sunday, December 10

Nottingham Forest (Marti)- December 15

Everton (Minan) – December 23

Brighton (Marti) – December 28

Bournemoth (Minan) – December 31

6. Newcastle (26 dhibcood) 

Everton (Marti)- December 7

Tottenham Hotspur (Marti)- December 10

Fulham (H)- December 16

Luton Town (Marti)- December 23

Nottingham Forest (Minan) – December 26

Liverpool (Marti)- January 1.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga