DHIIRI GELIN: Dhaawac iyo dhib kasta oo kusoo gaara, dhabaha guusha yuusan kaa dhumin. Baggio wuxuu ahaa geesi aan aqoon is dhiibid.

“Waxa uu ku dhashay Caldogno oo ah magaalo yar oo ku taal duleedka Vicenza … toban kun oo qof ku dhawaad ayaa ku nool, waa magaalo ka fog buuqa … leh hawo nadiif ah …aad u deggan … qofka ku nool uu dareemayo raaxo nafsi ah”
Magaca Aabihii waa Fiorindo, Hooyadiisna waxaa la yiraahdaa Matilde, waa kan lixaad,siddeed cunug oo walaalo ah.
Aabihii, Fiorindo, waxa uu dhawr sano u ciyaarayay koox kubadda cagta oo xirfadlayaal ah, waxa uu jeclaa laba ciyaartoy oo kala ah Boninsegna oo ka tirsanaa Inter iyo Bettega oo ka tirsan Juventus, balse ugu dambayntii waxa uu noqday baaskiil wade…
Markii uu yaraa, aad ayuu caato u ahaa, waana jab-yaraa. Sidoo kale aad ayuu u Ooyin badnaa marka uu maqlo ambalaasyada oo guriga ag maraya.
Sido kale waxa uu ahaa mid xishood badan oo af-gaaban, wajigiisii ​​ayaa gaduud noqon jiray isla markii uu macalinkiisii ​​iskuulka u sheegayo aabihiis… “Dugsiga wuu u gambiyaa, mana seego xiisadda ciyaaraha kubbadda cagta, laakiin…
“Haddii buugga uu balooni ahaan lahaa, waxaan noqon lahaa wiilkaaga ardaygiisa”.
Sido kale waxa uu ahaa mid aad u madax adag, balwaddiisa waxay ahayd kubada cagta, waxa uu ku ciyaari jiray wax kasta oo wareegsan… kubadaha teniska, kubadaha Golf-ka… Caagadaha balaastiika ah. Bugle. IWM..
Waxa uu ku tababaran jiray laadadka xorta ah isaga oo tooganaya nalalka waddooyinka. Mar waxa uu is arkay isaga oo ay eryanayaan booliiska magaalada, sababtoo ah maalin walba waxa uu jabin jiray laambad..
Tababarihiisii ​​ugu horreeyay, oo lagu magacaabo Zenere, wuxuu ahaa rooti-lihii/roodhiyii magaalada!! .. wuxuu ahaa Tababare ku xigeenka…wuxuu ku shaqeysan jiray mararka qaar sidii tuubiste!!
Waxaa jirtay hal shardi oo uu ku xiray tababare Zenere..
“Qofkii aan iman tababarka mar dambe dib uma ciyaari doono”….. Mar walba xaadir ayuu ahaa, ciyaara oo madadaalsha..
Bandhigiisa cajiibka ah ayaa ka dhigay macalinkiisa Zenere inuu ugu yeero Magaca…
“Zico”…
Markii uu ahaa 14 jir, wuxuu ku biiray Vicenza Yth. laba xilli ka dib, wuxuu ka mid noqday kooxda waaweyn, taageerayaasha Vicenza waxay bilaabeen inay iibsadaan tigidhada kaliya haddii uu ciyaarayo…..
Waxa uu u wareegay Viola… Vicenza oo dhan ayaa isla kacday, murugo iyo niyad-jab…
Dhanka Florence..!!
Seeriga digniinta ayaa ka yeeray gees walba…
Dab iyo qiiq-weyn ayaa is qabsaday meel walba. Waxaa la gubay wax walba… Sanduuqyada qashinka… Taayirada. Molotov IWM…
Rabshado ayaa ka dhacay Piazzale Donatello iyo Savonarola.
Booliisku waxay kaga jawaabeen xoojinta amniga, bambooyinka sunta dadka ka ilmeysiisa, iyo rasaas cirka loo riday.
Maxaa ka dhacaya Florence? ..
“Roberto Baggio oo ku biiray Juventus”
Qof kastaa waxa uu u yaqaan The Divine Ponytail …ama… il-Codino.. laakin waxa uu jecelyahay magaca…Ravello.
“Hadii aan ciyaaro kaliya kulamada aan 100% diyaarka ahay, oo aan wax xanuun ah ka qabin lugta iyo jilibka… waxaan ciyaari lahaa kaliya 3 kulan xilli ciyaareedka oo dhan”.
Bal qiyaas qalitaankiisii ​​ugu horreeyay wuuxu galay da’da 18 jirka … (ligament cruciat) … wuxuu maqnaa 221.
▪︎6 mar ayuu galay Qaliino jilibka ah
▪︎4 mar jilibka midig
▪︎2 mar jilibka bidix..
Waxay dhahaan maalin ayuu dhintay Roberto Baggio isagoo taagan… (Waana maalinkii uu qasaariyay Rigoorada, finalka World Cup 1994) Laakiin meel kale ayaan ka akhriyay in Baggio uusan dhiman waligii.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga