Koobka Adduunka 2026 iyo Rikoodhada Laga Yaabo Inay Jabaan

Rikoodhada Koobka Adduunka badanaa waa kuwo muddo dheer sii jira, laakiin Koobka Adduunka 2026 wuxuu noqon doonaa mid ka weyn kuwii hore, iyadoo tirada kulamada laga kordhiyay 64 ilaa 104.

Taasi waxay ka dhigaysaa rikoodho badan kuwo halis ugu jira inay jabaan.

1. Tirada Goolasha Tartanka oo Dhan

Koobkii Adduunka ee 2022 waxaa laga dhaliyay 172 gool, waana rikoodhka hadda jira. Maadaama 2026 la ciyaari doono kulamo aad uga badan kuwii hore, rikoodhkan wuxuu u muuqdaa mid si fudud loo jabin karo.

2. Kaadhadhka Cas

Koobkii Adduunka ee 2006 ayaa leh rikoodhka ugu badan ee kaadhadhka casaanka ah (28 kaadh). Hase yeeshee, maadaama kulamadu badan yihiin 2026, rikoodhkan sidoo kale wuxuu wajahayaa khatar.

3. Goolasha ugu Badan ee Taariikhda Koobka Adduunka

Miroslav Klose wuxuu haystaa rikoodhka ugu badan ee goolasha Koobka Adduunka (16 gool).

Ciyaartoyda ugu dhow waa:

  • Lionel Messi – 3 gool ayuu ka dambeeyaa.
  • Kylian Mbappé – 4 gool ayuu ka dambeeyaa.

Mbappé ayaa loo arkaa kan ugu dhow inuu jebiyo rikoodhkan.

4. Gool ka Dhalinta Tartamo Koob Adduun oo Isdaba Joog ah

Cristiano Ronaldo ayaa gool ka dhaliyay 5 Koob Adduun oo kala duwan (2006–2022), waana rikoodh gaar ah.

Messi ayaa hadda leh 4 tartan oo uu goolal ka dhaliyay, wuxuuna haystaa fursad uu ku bar-bareeyo Ronaldo 2026.

5. Kabta Dahabka ah (Golden Boot)

Ilaa hadda ma jiro ciyaaryahan laba jeer ku guuleystay Kabta Dahabka ah ee Koobka Adduunka.

Labada ugu dhow inay sameeyaan taariikhdaas waa:

  • Mbappé (2022)
  • Harry Kane (2018)

6. Sugitaanka ugu Dheer ee Hanashada Koobka Adduunka

England waxay sugaysay tan iyo 1966. Haddii ay ku guuleysato 2026, waxay jebin doontaa rikoodhka muddada ugu dheer ee u dhexeysa laba koob oo adduun.

7. France oo Gaaraysa Final Saddexaad oo Xiriir ah

France waxay ku guuleysatay 2018, finalna gaartay 2022. Haddii ay mar kale finalka gaarto 2026, waxay geli doontaa taariikh gaar ah oo ay hore u sameeyeen oo keliya West Germany iyo Brazil.

8. Kulamada ugu Badan ee Koobka Adduunka

Messi ayaa hadda hayasta rikoodhka ugu badan ee kulamada Koobka Adduunka ( 26 kulan).

Ronaldo wuxuu ka dambeeyaa 4 kulan oo keliya, sidaas darteed rikoodhkan sidoo kale wuu halis ku jiraa.

9. Guusha Ugu Weyn ee Taariikhda Koobka Adduunka

Farqiga ugu weyn ee guul Koob Adduun waa 9 gool. Maadaama 48 waddan ay ka qaybgelayaan 2026, waxaa kordhaya suurtagalnimada in koox awood badan ay si weyn uga adkaato koox daciif ah.

10. Gooldhaliyaha ugu Da’da Weyn

Pepe ayaa haya rikoodhka gooldhaliyaha ugu da’da weyn ee wareegyada bug-baxa.

Laakiin Ronaldo oo 41 jir ah ayaa fursad u haysta inuu jebiyo rikoodhkaas haddii uu gool dhaliyo 2026.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga