Arne Slot wuxuu Liverpool ku hoggaamiyay horyaalka, balse xilli ciyaareedkii xigay kooxda ayaa si weyn hoos ugu dhacday.
Kadib guuldarrooyin badan iyo ka harisyo tartamada kala duwan, shaqada tababarenimo waxaa la wareegaya Andoni Iraola, oo hore ugu soo bandhigay shaqo cajiib ah Bournemouth.
Haddaba waxaa horyaalla dhowr arrimood oo waaweyn oo ay qasab ku yahay inuu wax ka qabto.
1. Alexander Isak
Liverpool waxay lacag aad u badan ku soo iibsatay Alexander Isak, laakiin dhaawacyo badan ayaa saameeyay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay. Wuxuu seegay kulamo badan, waxayna kooxdu rajaynaysaa inuu dib ugu soo laabto qaab ciyaareedkiisii fiicnaa. Iraola wuxuu si fiican u yaqaan awooddiisa maadaama uu horay uga horyimid markii uu Newcastle joogay.
2. Florian Wirtz
Florian Wirtz ayaa lagu keenay lacag badan, balse waxqabadkiisu ma gaarin heerkii laga filayay. Iraola wuxuu adeegsadaa nidaam 4-2-3-1 ah, taas oo siin karta Wirtz booskiisa dabiiciga ah ee lambarka 10-aad. Si kastaba ha ahaatee, Liverpool waxay weli u baahan kartaa khadka dhexe ciyaaryahan difaac adag leh.
3. Beddelka Mohamed Salah
Mohamed Salah ayaa ka tagay Liverpool, taasoo abuurtay farqi weyn. Kooxdu waxay u baahan tahay garab weerar oo cusub si uu booskaas u buuxiyo. Iraola wuxuu caan ku yahay horumarinta ciyaartoyda weerarka, sidaas darteed taageerayaashu waxay rajaynayaan inuu xal u helo dhibaatadan.
4. Difaaca Dhexe
Ibrahima Konaté ayaa baxay, halka Joe Gomez uu marar badan dhaawacmo. Taasi waxay ka dhigaysaa Virgil van Dijk difaaca dhexe ee kaliya ee khibradda leh. Iraola wuxuu hadda u baahan yahay inuu horumariyo da’yarta sida Jeremy Jacquet iyo Giovanni Leoni.
5. Goolhayaha
Alisson Becker wali waa goolhaye heer sare ah, laakiin dhaawacyo ayaa ku soo noqnoqda. Dhanka kale, Giorgi Mamardashvili wali diyaar uma ahan inuu noqdo goolhayaha koowaad. Sidaas darteed, qorshaha ugu fiican ayaa noqon kara in Alisson sii joogo halka Mamardashvili amaah loo diro.
6. daafaca Midig
Kadib bixitaankii Trent Alexander-Arnold, Liverpool waxay la kulantay dhibaato weyn oo ka jirta booska daafaca midig. Conor Bradley dhaawac ayuu ku maqnaa, halka Jeremie Frimpong uu sidoo kale la tacaalay dhaawacyo. Tani waa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee Iraola uu u baahan yahay inuu xoojiyo
Be the first to comment