Mauricio Pochettino: Ciyaartu In Ay Rikoodhayaal Gaadho Ayaan Doonaynay, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ahayd.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa qirtay in uu doonayay in ay ciyaartu rikoodhayaal gaadho kadib markii ay 90 daqiiqo ciyaareen.

Chelsea iyo Liverpool ayaa ku kala bixi waayay 90 daqiiqo waxana ay keentay in ciyaarta lagu daro 30 daqiiqo oo dheeraad ah.

Laakiin Liverpool ayaa dhalisay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee wakhtigii dheeriga ahaa iyada oo Van Dijk goolka guusha u dhaliyay kooxdiisa.

“Ciyaartoyda waxay bilaabeen inay lumiyaan tamartooda, Chilwell waxa uu dareemay daal, sidoo kale Gallagher ayuu daalay sidaas darteed waxan u baahanay in aan ciyaarta badalno”ayuu yidhi.

“Waxa aan doonaynay in aan ciyaarta sidaas ku dhamaysano si aan u ciyaarno rikoodhayaal, dadaal fiican ayaan muujinay”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga