KASHIFAAD:- Julián Álvarez oo fariin cusub u diray Barcelona iyadoo suuqa kala iibsigu gabagabo ku dhow yahay

Mustaqbalka Julián Álvarez ayaa mar kale noqday hadal-heynta ugu weyn ee suuqa kala iibsiga, iyadoo Barcelona ay weli xiisaynayso weeraryahanka Atlético Madrid, halka kooxda reer Madrid ay si adag uga hor timid inuu u dhaqaaqo Camp Nou. Álvarez ayaa hore u muujiyay inuu doonayo inuu ka tago Atlético, isagoo sheegay in riyadiisu tahay inuu u ciyaaro Barcelona, xiisadda ayaa sii xoogaysatay kadib kulankii Atlético Madrid iyo Villarreal, markaas oo taageerayaasha kooxda ay si weyn u foodhyeen Álvarez, taasoo muujisay sida ay uga caroodeen rabitaankiisa ah inuu kooxda ka tago.

Hadda waxaa soo baxday fariin cusub oo si gaar ah indhaha loogu hayo,  Álvarez ayaa la sheegay inuu “Like” saaray muuqaal TikTok ah oo lagu sameeyay isaga oo xiran funaanadda Barcelona, taasoo taageerayaasha Barça u fasirteen inay tahay calaamad muujinaysa inuu weli doonayo inuu ku biiro kooxda Catalan.

Si kastaba ha ahaatee, Atlético Madrid weli kama tanaasulin mowqifkeeda, warbixinno cusub ayaa sheegaya in kooxda Madrid ay diiddan tahay inay Barcelona kala xaajooto iibka Álvarez, iyadoo xitaa lagu soo waramayo inay diiday dalabyo waaweyn.

Dhanka kale, Barcelona waxay u muuqataa inay hadda ka fiirsanayso inay ka laabato qorshaha Álvarez, maadaama qiimaha ciyaaryahanka iyo mowqifka Atlético ay arrinta ka dhigeen mid aad u adag.

Warbixin cusub ayaa sheegaysa in Barça ay bixisay ilaa €120 milyan, halka Atlético ay dalbanaysay qiime ka sarreeya, iyadoo weliba aysan doonayn inay xiddigeeda si toos ah ugu iibiso Barcelona.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga